Home » Ciidamada Itoobiya ee Ka Mid ah ATMIS ayaa Lagu Bogaadiyay Sugidda Amniga Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed Intii Lagu Guda Jiray Bishii Ramadaan ee Barakeysan

Ciidamada Itoobiya ee Ka Mid ah ATMIS ayaa Lagu Bogaadiyay Sugidda Amniga Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed Intii Lagu Guda Jiray Bishii Ramadaan ee Barakeysan

by Alex Kithumbu

Baydhabo, 12-ka Abriil 2024 – Maamulka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku ammaanay ciidamada Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) xaqiijinta amniga iyo bedqabka shacabka intii lagu guda jiray bishii Ramadaan ee hadda dhammaatey.

Kulan lagu qiimeynayo amniga bisha Ramadaan ka-dib oo si wadajir loogu qabtey magaalada Baydhabo, ayaa Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Maxamed C/qaadir wuxuu ku bogaadiyay ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ee ATMIS sida wanaagsan ee ay u fududeeyeen in waajibaadka fadliga bisha Ramadaan si nabad ah loogu guto  deegaanada maamulkaasi.

Taliyaha Qaybta Saddexaad ee ATMIS, Sarreeye Gaas Besfat Fente Tegegn, iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka socda militeriga ATMIS iyo qaybaha amniga iyo maamulka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa ka soo qaybgaley kulankan ka dhacey Xarumaha-dhexe ee Qaybta Saddexaad.

“Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahad celinaynaa Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya Qaybta ATMIS dadaalka muuqda ee ay ku bixiyeen sugidda amniga gobolka iyagoo kaashanaya kooxaheenna amniga ee gobolka. Waxa ay si hufan u sameeyeen howlgallo iyo roondo ay kaga hortagayaan khatarta kooxaha nabad diidka ah ee Al-Shabaab, waxayna sugeen amniga bulshada deegaanka,” ayuu yiri Wasiir Xasan, oo ku ammaanaya ciidamada sida hagar la’aanta ah ee ay ugu go’an tahay sugitaanka nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Kulanka, oo qayb ka ah wada-shaqaynta joogtada ah ee dhex marta ATMIS iyo hay’adaha muhiimka ah ee amniga gobolka, ayaa lagu qiimeeyay hirgelinta isku dhafka amniga, iskaashiga, iyo isku xirka dadaallada bisha Ramadaan iyo dabbaaldegyada munaasabadda Ciidul-fidriga.

“Waxaan ballan qaadnay in aan kor u qaadayno amniga gobolka bisha Ramadaan ka hor, waxaanna halkan u joognaa in aan qiimeyno natiijooyinka iyo caqabadaha. Waxaan ku faani karnaa in aan dhahno si guul leh ayaanu guushaasi ku gaarnay, waxaana mahad iska leh isku xirnaanta dhow ee ATMIS iyo laamaha amniga ee Dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Sarreeye Gaas Besfat Fente Tegegn, Taliyaha Qaybta Saddexaad ee ATMIS.

Wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta dhow ee ka dhaxeysa ATMIS, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, iyo bulshada degaanka si loo gaaro ujeedooyinka Hawlgalka.

Ciidamada Itoobiya qaybta ATMIS iyo ciidamada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed – ee loo yaqaanno Daraawiishta, ayaa loo daad gureeyay daafaha magaalada Baydhabo iyo Saldhigyada Furimaha Hore (FOBs) si ay u xoojiyaan ammaanka duleedka magaalada. Ciidamada booliska iyo nabadsugida ayaa ka howlgalayey magaalada gudaheeda, iyagoo si hufan uga hortagay falalkii Al-Shabaab.

“Waxaa nasoo marey bil Ramadaan oo aan guul ku dhammeysanay taas oo ay ugu wacan tahay dadaalka wadajirka ah ee ay muujiyeen ciidamada ATMIS, SNA, NISA, Daraawiishta Koonfur Galbeed, iyo ciidanka Booliska. Waxaan si kal iyo laab ah uug ammaanaynaa ciidamada ATMIS oo sugayay ammaanka magaalada Baydhabo iyo guud ahaan gobolka,” ayuu yiri Cabdulaahi Cali Watiin, Duqa Magaalada Baydhabo.

Hawlgalka taageerada nabadda ee Midowga Afrika, Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya waxay ka mas’uul yihiin gobollada Gedo, Bay iyo Bakool ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

You may also like