Jowhar – Hawlgalka Ku Meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), oo la shaqeynaya mas’uuliyiinka Dowlad Goboleedka Hirshabelle, ayaa cunto gargaar iyo agab kale oo aasaasi ah siiyay Barakacayaasha Dowlad Goboleedka.
Agabkan, oo la helay iyadoo caawimaad laga helayo dowladda Talyaaniga, ayaa la siiyay qoysaska ay dhowaan saameeyeen dhibaatooyinka fatahaadaha El-Nino. Cuntada gargaarka waxaa ka mid ahaa bariis, bur, sonkor, digir, iyo saliid, agabka aan cuntada ahaynna waxaa ka mid ahaa bustayaal, baco, maro-kaneecooyin, iyo baaldiyo.
Sarreeye Guud Jean Claude Niyiburana, Taliyaha Qaybta 5aad ee ATMIS, ayaa hoggaaminayay qaybinta wuxuunna maamul goboleedka ku ammaanay caawinta dhibbanayaasha fatahaadaha iyo roobabka waxyeellada geystay, kuwaas oo sababay barakac iyo burbur baaxad leh.
“Waxaan bilaabaynaa qaybinta agab isugu jiro cunto iyo kuwo aan cunto ahayn oo ay ATMIS bixisay maanta si loo caawiyo dadka nugul ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle. Qaybintan ayaa socon doonta; waxaan leenahay lix kaam oo kuwa barakacayaasha ah, waxaanna qorsheynaynaa in aan hawlo la mid ah ka qabanno xerooyinka kale maalmaha soo socda,” ayuu sheegay Sarreeye Guuto Niyiburana.
Wuxuu xaqiijiyay in ATMIS ay si joogto ah ula shaqeyn doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka degaanka si ay u sii wanaajiso nolosha dadka degaanka ay saameysay musiibada dabiiciga ah.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle, mudane Cumar Maxamed Gaabow, ayaa ka mahadceliyey deeqdan raashinka ah, wuxuuna ku ammaanay ATMIS iyo Dowladda Talyaaniga taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.
“Qaybintan waxaa ka faa’iidi doonna ugu yaraan 600 oo qoys. Si kastaba, waxaan taageeri doonnaa 150 qoys oo ku jira xerada IDP ee Towfiiq. 450 qoys kale oo ku jira afar xero oo kuwa barakacayaasha ah oo ku yaalla magaalada Jowhar ayaa ka faa’iidi doonna qaybinta xigta,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka.
Mucaawiye Cusmaan Cumar, Guddoomiyaha xerada barakacayaasha ee Towfiiq, ayaa ugu mahadceliyay Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo ATMIS sida degdegga ah ee ay u caawinayaan dhibbanayaasha fatahaadaha El Nino.
“Waxaan si daacad ah ugu mahadnaqeynaa maamulka Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo ATMIS oo deeqdan na soo gaarsiiyay, deeqdu waxay ka koobnayd busteyaal, saliid, sonkor, digir, maro-kaneecooyin. Baahiyadeennu way badan tahay, laakiinse waxaan qaddarinaynaa taageeradan waqtigii loo baahnaa ay noo keeneen,” ayuu yiri Cumar.
Fatahaadaha EL Nino waxay waxyeello baahsan ka geysteen Hirshabelle, iyagoo barakiciyay qoysas, burburiyey kaabayaasha dhaqaalaha waxayna jareen jidadka.
Fatahaadaha iyo saameynta EL Nino waxay raad ku yeesheen ugu yaraan 2.4 milyan oo qof guud ahaan Soomaaliya. Ku dhowaad 1.5 milyan qof oo Soomaaliya ayaa barakacay, waxaanna ku geeriyoodey in ka badan 100 qof.