Home » Ciidamada Jabuuti ee Howlgalka ATMIS oo xusay 45-guuradii kasoo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Jabuuti

Ciidamada Jabuuti ee Howlgalka ATMIS oo xusay 45-guuradii kasoo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Jabuuti

by Alex Kithumbu

BELEDWEYNE, 6 Juun 2022: Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa maanta dhiggooda ku sugan dalkooda kala qeyb galay xuska sannad-guurada 45-aad ee ciidamada qalabka sida ee Jabuuti (DAF).

Munaasabadda oo Isniintii lagu qabtay Xarunta ATMIS Qeybta 4 aad ee Magaalada Baledweyne, ayaa waxaa lagu soo bandhigay dhoola tus aad u qurux badan, waxaana ka soo qeyb galay saraakiil ka socotay ATMIS iyo QM, iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Taliyaha ciidamada Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya, Gaashaanle Xumad Axmed Maxamed, ayaa xusay in DAF (Ciidamada qalabka sida ee Jabuuti) ay gacan weyn ka geysateen howlgalka taageerada nabadda tan iyo markii la keenay muddo toban sano ka hor ah.

“Waxa aan halkan oo Soomaaliya ah u joognaa si aan u sugno nabadda una taageerno dadka. Ciidamada Jabuuti waxa ay Soomaaliya joogeen 11-kii sano ee la soo dhaafay, Alle ayaana mahad leh,” ayuu yiri Gaashaanle Xumud.

Wuxuu intaas ku daray, “Waxaan si dhow ula shaqeyn doonnaa ciidamada ammaanka ee Soomaaliya oo iyaguna nagula soo biiray si aan ugu dabaaldegno sannad-guuradeenna.”

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada Jabuuti ee howlgalka ATMIS sanad-guurada aasaaskooda, waxa uuna uu ku ammaanay sida ay uga qeyb qaadanayaan nabadda iyo xasilloonida gobolka.

“Waddan kasta waxa uu leeyahay munaasabadihiisa taariikheed ee u gaarka ah oo uu u dabaaldego. Waxa aan ku faraxsanahay inaan walaalaheenna ula dabaaldegno maalintan taariikhiga ah,” ayuu yiri guddoomiye Cali.

Jabuuti ayaa ahayd dalkii saddexaad ee ciidamo ku taageera AMISOM. Ciidamadan ayaa si weyn uga qeyb qaatay sugidda amniga gobolka iyagoo dhexdhexaadinaya dagaal beeleedyo,xoojinayana tayada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo kuwo kale.

 

You may also like