Home » ATMIS ayaa howlgalisey 160 sarkaal si ay u taageeraan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed nidaamka iyo kala dambaynta

ATMIS ayaa howlgalisey 160 sarkaal si ay u taageeraan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed nidaamka iyo kala dambaynta

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 13 Luulyo 2022 — Qaybta Booliska ee Howlgalka Kumeel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa lagu xoojiyey imaatinka 160 sarkaal oo ka tirsan qaybta Booliska Nigeria, kuwaas oo taageero u fidin doona Booliska Soomaaliyeed si waafaqsan Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya.

Ciidamada soo socda ayaa bedelaya kuwa kale, oo loo yaqaan Nigerian Formed Police Unit 10, kuwaas oo dhowaan ku laabtay Nigeria kaddib markii ay soo gabagabeeyeen socdaal shaqo oo ay ka mid ahaayeen inay gacan ka gaystaan sugidda amniga intii lagu jirey doorashooyinkii dhowaan qabsoomay ee baarlamaanka iyo madaxwaynaha.

Sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, Qaybta Booliska ee ATMIS waxay ka koobnaan doontaa 1, 040 howlwadeen, kuwaasoo ay ku jiraan shan Unugood oo ah Formed Police Units (FPUs), waxayna sii ahaan doonaan tiradaas ilaa Diseembar 2024-ka.

“Saraakiishan waa kuwo si fiican u tababaran oo anshax leh. Waxaa ay gudan doonaan waajibaadkii loo igmaday, mana gabi doonaan dalkooda iyo Midowga Afrika,” ayuu yiri Kormeere Mohammed Ibrahim, Taliyaha qaybta mar uu qaabilayey saraakiisha markii ay soo gaareen Muqdisho.

Waajibaadyada kale waxaa ka mid ah, in saraakiisha laga filayo inay taageeraan tababarrada gaarka ah, la-talinta iyo u odayaynta SPF oo ay ku jiraan roondooyinka wadajirka ah iyo ilaalinta qalabka muhiimka ah.

Waxay sidoo kale taageeri doonaan awoodda adeeg bixinta Booliiska Soomaaliyeed guud ahaan Soomaaliya oo dhan waxayna gacan ka gaysan doonaan kahortagga xagjirnimada rabshadaha wata iyo khalkhalka nidaamka bulshada iyadoo loo marayo boolisaynta bulshada, maaraynta nidaamka guud iyo xeeladaha kale ee kahortagga dembiyada.

Ku-xigeenka Taliyaha Booliska, Fidelix Jonah Awu, oo hoggaaminayey kooxda imaanaysa, ayaa xusay in NFPU-11 ay si waafi ah ugu diyaar garoobeen inay doorkooda ka qaataan horumarinta sharciga iyo kala dambaynta, sarraynta sharciga iyo dadaallada lagu soo celinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Tani waa unuggii 11-aad ee Booliiska Nigeria ee loo diro Soomaaliya tan iyo 2012-kii. Waddamada booliiska ku deeqay (PCCs) ee ATMIS waa Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia kuwaas oo la geeyey dhammaan shanta qaybood ee howlgalka ATMIS.

You may also like