Home » ATMIS oo u hambalyaysay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo uu Baarlamaanka Federaalka ihi kalsooni siiyey

ATMIS oo u hambalyaysay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo uu Baarlamaanka Federaalka ihi kalsooni siiyey

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 25 Juun 2022 – Howlgalka Midowga Afrika ee KMG ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa hambalyo diirran u diray RW Xamse Cabdi Barre kaddib markii Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay u ansixiyeen Ra’iisul Wasaare.

Ansixinta baaxadda leh ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa u gogol xaaraysa magacaabista xubnaha Golaha Wasiirrada. ATMIS waxa ay sidoo kale u mahadcelinaysaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka, sida ay u guteen waajibaadkooda wadaninnimo, taasoo ah tillaabo la taaban karo oo loo qaaday dhinaca dhismaha dowladda.

ATMIS waxay diyaar u tahay inay taageerto Dowladda cusub ee Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, si loo gaaro hadafka ah in Soomaaliya ay nabad iskula noolaato caalamkana kula noolaato.

___________________

Wixii faahfaahin ah kala xiriir

Sarkaalka Isgaarsiinta ama Afhayeenka Ciidanka

Marwo Gifty Bingley ama Lt. Col. Daniel Mugoro Muiuri,

Iimayl: atmismediacenter@gmail.com

Taleefanka gacanta: (Soomaaliya) +252 617 682 175/+252 613 665 356; (Nairobi) +254 722 788 975

You may also like