Kismaayo, 8 Sebteembar 2023 – Kow iyo labaatan sarkaal oo ka kala socday wasaaradaha Maamulka dowlad goboleedka Jubaland iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa dhameystey Tabobarka Tabobarayasha oo socday muddo shan maalmood ah oo lagu baranayey Xuquuqul insaanka iyo Ilaalinta shacabka, tababarkaas oo lagu qabtey magaalo xeebeedka Kismaayo.
Tabobarkan ayaa qeyb ka ah tababaro xiriir ah oo uu soo qaban qaabiyay howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) si loogu qalabeeyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ah iyo mas’uuliyiinta ururada bulshada rayidka lana siiyo aqoonta lagama maarmaanka u ah ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee gobolladooda.
“Sida aad ogtihiin, mid ka mid ah waajibaadka ATMIS ayaa ah in la horumariyo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo in la hubiyo in xuquuqda aadanaha lagu ixtiraamo hawlgalladayada iyo kuwa bahwadaagteena,” ayay Khamiistii tiri Gloria Jaase, oo ah Isuduwaha Qaybta Madaniga ee Ilaalinta xuquuqda aadanaha .
Ka qeyb galayaasha tabobarkan ayaa qeyb ka noqon doona koox loo diri doono deegaanada kala duwan ee Jubaland si ay u tababaraan dadka deegaanka iyo kooxaha daneeya arrimaha xuquuqul insaanka iyo ilaalinta rayidka.
“Waxaan rajeyneynaa in marka tababarkan uu dhamaado, ka qaybgalayaasha tabobarkan ay u gudbin doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada ayna xaqiijin doonaan in diyaariney tiro badan oo tababarayaal ah,” ayuu raaciyay Jaase oo sidoo kale ah Ku-simaha Sarkaalka Xuquuqda Aadanaha.
Tababarka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa fahamka ka qaybgalayaasha ee mabaadi’da muhiimka ah ee Sharciga Xuquuqda Aadanaha Caalamiga ah, oo ay ku jiraan qaab-dhismeedka xuquuqul insaanka, xuquuqda carruurta, xuquuqda haweenka, iyo ilaalinta dadka gudaha ku barakacay (IDPs).
Tabobarkan oo ay si wada jir ah u qabteen hawlgalka ATMIS ee qaybta isku xirka hay’adaha rayidka ah ee magaalada Kismaayo iyo wasaaradda xuquuqul insaanka, haweenka iyo arrimaha qoyska ee dowlad goboleedka Jubaland, casharada ayaa soo jiitey ka qaybgalayaasha ka kala socday Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Amniga, Waxbarashada iyo Dhalinyarada.
Ayaan Maxamed Xasan oo xubin ka ah bulshada rayidka ah ee Jubaland ayaa sheegtay in tababarkan uu kor u qaadi doono aqoonteeda iyo awoodeeda ay ku ogaan karto kuna diiwaangelin karto xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee bulshada.
“Tababarkan waxuu ahaa mid muhiim ii ah waayo waxa uu i baray xuquuqaha shakhsiga, taas oo iga caawin doonta inaan fahmo xuquuqdeena aasaasiga ah, waxaana sidoo kale ogaan doonaa hababka ugu fiican ee aan loogu xad gudbi karin xuquuqda dadka kale, “ayay tiri.
Xuseen Maxamuud Jaamac oo ka soo qeyb galay ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in aqoontii uu bartey uu la wadaago asxaabtiisa.
“Ujeeddada Tababarkan waa in naloo diyaariyo in aan noqonno tababarayaal u xilsaaran fidinta iyo baahinta aqoonta aan halkan ku baraney oo aan gaarsiino xubnaha kala duwan ee bulshada,” ayuu xusay.
Tan iyo intii uu ku lug lahaa arrimaha Soomaaliya, hawlgalka ATMIS waxa uu joogteeyey ka go’naanshihiisa ku aaddan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqul insaanka Soomaaliya, oo ay weheliso dhisidda awoodda Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF) iyo bulshada deegaanka, iyada oo laraacayo qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2628(2022).