Home » ATMIS condemns the terrorist attack in Beletweyne

ATMIS oo cambaareysay falkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Beledweyne

by Alex Kithumbu

atmis press release

WAR SAXAAFADEED
(Faafin Degdeg ah)
ATMIS PR/17/2023

ATMIS oo cambaareysay falkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Beledweyne

Muqdisho – Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii shalay argagixisada Al-Shabaab ay ku qaadeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan oo ka dhacay magaalada Beledweyne, ee bartamaha Soomaaliya.

“ATMIS waxay si kulul u cambaaraynaysaa weerarka foosha xun ee lagu qaaday dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Tani waxaa loogu talagalay in isha looga weeciyo khasaaraha baaxadda leh ee Al-Shabaab ka soo gaaray hawlgallada joogtada ah ee ay Hormuud katahay Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Gudoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef.

“Anigoo ku hadlaya magaca ATMIS, waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen dadkii ay jeclaayeen, waxaanan caafimaad degdeg ah u rajaynayaa kuwa dhaawacmay.

ATMIS waxa ay gacan siisay jawaabta degdega ah ee ay bixinayaan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya si looga hortago khasaare kale oo nafeed iyo burbur hanti waxaana weli ka go’an in ay si wadajir ah ula shaqeeyaan Ciidamada Amaanka Soomaaliya si loo hanto Soomaaliya xasilloon oo ammaan ah.

_______________

Wixii faahfaahin dheeraad ah la soo xiriir:
Madaxa Warfaafinta: Marwo Gifty Bingley
Email: Atmismediacenter@gmail.com
Tel: (Soomaaliya) +252 617682175/ +252613665356/ (Nairobi) +254722788975

You may also like