Home » ATMIS condemns the terrorist attack at a lido beach hotel

Hawlgalka ATMIS ayaa canbaareeyey Weerarkii argagixiso ee ka dhacey Huteel ku yaalo xeebta Lido

by Alex Kithumbu

atmis press release

WARSAXAAFADEED

(Oo degdeg ah)

Hawlgalka #ATMIS PR/11/2023

Hawlgalka ATMIS ayaa canbaareeyey Weerarkii argagixiso ee ka dhacey Huteel ku yaalo xeebta Lido

Mogadishu – Hawlgalka Midawga afrika ee ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa Si kulul Ucambaareeyey weeraka argagixiso ee ka dhacey hoteelka aadka u mashquul badan ee Pearl ee ku yaala magaalada #muqdisho oo dhacey makhribkii Jimcahii.

Weerarkan lagu qaaday dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayaa haddana cadeyn u ah in Al-Shabaab ay diyaar u tahay in ay xasilooni darro ka abuurto Soomaaliya iyaga oo aan haba yaraatee wax ixtiraam ah u hayn nolosha aadanaha.

“in la beegsado dad rayid ah oo noloshooda iska wata waa ficil fuleynimo kana soo horjeeda mabaadi’da Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa #ATMIS, Danjire Souef Mohamed El-Amine.

Hawlgalka #ATMIS waxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaskii dadkii ku dhintay, waxayna u rajaynaysaa caafimaad degdeg ah kuwa kale ee ku dhaawacmay weerarkaas foosha xun.

“Hawlgalka ATMIS waxa ay sidoo kale ammaanayaan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya sida degdegga ah ee ay uga jawaabeen una xakameeyeen xaaladda si loo badbaadiyo nafo badan oo qaali ah. Waxaan weli ku adkaysanaynaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada si aan u xaqiijino dal sugan oo xasiloon kaas oo ku socda horumarka dhaqan-dhaqaale,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika.

_________________

Wixii faahfaahin dheeraad ah la soo xiriir:

Madaxa Warfaafinta: Marwo Gifty Bingley

Ama Af-hayeenka Ciidamada: G.Dhexe A. Ganale,

Email: atmismediacenter@gmail.com

Tel: (Soomaaliya) +252 617682175/ +252613665356/ (Nairobi) +254722788975

You may also like