Muqdisho, 2 Febraayo 2024 – Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), oo taageero dhinaca saadka ah ka helaya Xafiiska Qaramada Midoobey ee Kaalmada ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa soo gebogebeeyey Wejigii Labaad ee dhimista ciidamada, taas oo la halmaashey in tirada ciidamada laga dhimo 3000 askari. ATMIS ayaa toddoba Saldhigyada Furimaha Hore/Forward Operating Bases (FOBs) ku wareejisey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya (DFS) waxaana at xirtey laba kale.
Saldhigyada Furimaha Hore ee la wareejiyey waxaa ka mid ah Madaxtooyada iyo Baarlamaanka oo ay wareejiyeen Ciidanka Difaaca Dadka ee Uganda ee ka tirsan ATMIS ee Sektarka Koowaad; Biyo Cadde, Raaga Ceele, iyo Qorillow oo ay wareejiyeen Ciidamada Difaaca Qaranka Burundi ee ATMIS ee Sektarka Shanaad; Buula Xaaji oo ay wareejiyeen Ciidanka Difaaca Kenya ee ATMIS ee Sektarka Labaad; iyo Garoonkii Hore ee Diyaaradaha oo ay wareejiyeen Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya ee ATMIS ee Sektarka Lixaad. Saldhigyada Furimaha Hore ee Sarille iyo Garoonkii Diyaaradaha ee Hore ee Kismaayo, ayaa la xirey – labada saldhig waxaa kala hayey Ciidamada Difaaca Kenya ee ATMIS ee Sektarrada Lixaad iyo Labaad sida ay u soo kala horreeyaan.
Xaflad rasmi ah oo lagu qabtey Muqdisho, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef, iyo La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Sheekh Cali, ay ku saxiixeen Heshiiska Wareejinta Amniga Dhulka/The Land Release Title Agreement. Heshiiskan ayaa calaamad u ah in si rasmi ah ay gacan-ku-haynta uga wareegtey ATMIS oo ugu wareejtey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Sarkaalka Mas’uuliyadda Sii Haya ee Madaxda ka ah UNSOS, Qurat-ul-Ain Sadozai, ayaa Shahaaddada Ku-deeqidda qalabka ay QM leedahay ee yaalla Saldhigyada Furahama Hore u saxiixdey in lagu wareejiyo DFS. UNSOS ayaa ku deeqeysa Dab-dhaliyeyaal, soollarrada tamarta qorraxda qabta, iyo qalabka lagu sifeeyo biyaha iyada oo wareejinaysa Saldhigyada Furimaha Hore iyaga oo xaaladdoodu wanaagsan tahay oo shaqeynaya. Intaa waxaa dheer, UNSOS waxaa ay sidoo kale ballanqaaddey in ay tababar dhinaca farsamada ah ay siineyso Ciidamada Amniga Soomaaliya ee ay dowladdu u soo xusho, si loo hubiyo in qalabkaas si joogto ah uu shaqeeyo loona dayactiro.
Agaasimaha Komishanka Midowga Afrika ee Maareynta Colaadda ee Waaxda Arrimaha Siyaasadda, Nabadda, iyo Amniga, Dr. Alhadji Sarjoh Bah, ayaa qirey dadaalka mugga weyn ee ay Soomaaliya ku bixisey xoojinta amnigeeda. Waxaa uu ciidamada amniga Soomaaliyeed ku amaaney geesinimadooda iyo sida ay uga go’an tahay la-dagaallanka Al-Shabaab, iyaga oo islamarkaana aqoonsanaya mas’uuliyadahooda aasaasiga ah ee ka saaran horumarka dalka.
Waxaa uu mar kale xaqiijineyey in Midowga Afrika aanu ka leex-leexan doonin ballanqaadkiisa ku aaddan geeddi-socodka Kala-guurka ee Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyey in Midowga Afrika uu diyaar u yahay taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta, amni, iyo xasilooni.
La-taliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali, ayaa Midowga Afrika, Qaramada Midoobey iyo bah-wadaagta caalamiga ah uga mahad-celiyey sida ay wax walba ugu hurayaan iyo sida ay uga go’an tahay xaqiijinta nabadda iyo amniga Soomaaliya.
“Waxaan Midowga Africa uga mahadcelinaynaa wax walba oo ay u hureen Soomaaliya. Beesha iyo bah-wadaagta caalamkana, waxaan idiinka mahad-celineynaa garabka aad nagu siiseen dagaalka aan ugu jirno xaqiijinta bedqabka iyo amniga dalkeenna. Waxaan rabaa in aan dadweynaha u xaqiijiyo dhimista ciidamadu ay xaqiiqo tahay, iyo in ay dhacayso. ATMIS meesha wey ka baxaysaa waxaana ku sii soconnaa mustaqbal ay Soomaaliya isaga filnaaneyso xaqiijinta bedqabkeedaa iyo amnigeeda, iyada oo aaney ATMIS meesha ku jirin,” ayaa uu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka.
Sarkaalka Mas’uuliyadda Sii Haya ee Madaxda ka ah UNSOS, Qurat-Ul-Ain Sadozai, ayaa mar kale xaqiijisey ballanqaadka UNSOS ee ah in ay taageerto ATMIS iyo DFS inta guud ahaan lagu jiro geeddi-socodka kala-guurka. Waxaa ay si gaar ah u xustey sidii guusha lahayd ee Saldhigyada Furimaha Hore loo wareejiyey waxaana ay amaantey iskaashiga ka dhexeeya ATMIS, DFS iyo UNSOS iyada oo islamrkaana ballanqaaddey in ay sii socon doonaan taageerada iyo iskaashiga.
“Annaga UNSOS ahaan, ballanqaadkeenna ah in aan taageerno ATMIS iyo DFS-ba weli waa sidiisii. Waxaan diyaar u nahay in aan taageerno Wejiga Saddexaad ee dhimista ciidamada iyo inaan siinno taageerada dhinaca adeegga/saadka ah ee loo baahan yahay,” ayaa ay tiri Sarkaalka mas’uuuliyadda sii haya ee Madaxda ka UNSOS.
Taliyaha Ciidanka ATMIS, Sarreeya Guud Sam Okiding, ayaa amaaney wada-shaqeynta cajiibka ah ee uu muujiyey Guddiga Saddex-geesoodka ah ee Dhimista Ciidamada – ATMIS, DFS iyo UNSOS isaga oo ku amaaney in ay si guul leh u dhammeystireen Wejiga Koowaad iyo kan Labaadba.
“Dadaalkeenna wadajirka ah ayaa muhiim u ahaa dhimista ciidamo wadartooda gaareyso 5000 Wejiga Koowaad iyo kan Labaadba. Waxaan dhowaan bilaabi doonnaa u-diyaar-garoobidda wejiga kan xiga, oo ah Wejiga Saddexaad, si aan tirada ciidamadeenna uga dhinno 4000 askari wixii loo gaaro bisha Juunyo. Waxaan ku kalsoonahay in ay guusheenni sii socon doonto taas oo ku saleysan habkeenna ku dhisan midnimada iyo isku-duubnimada. Waxaan qabnaa, in aan la qaadan karin guul-darro,” ayaa uu Sarreeye Guud Okiding carrabka ku adkeeyey.