Home » ATMIS iyo Booliska Hirshabeelle oo iska kaashanaya la-dagaalanka dembiyada maaliyadda iyo maaliyadsiinta argagaxisada

ATMIS iyo Booliska Hirshabeelle oo iska kaashanaya la-dagaalanka dembiyada maaliyadda iyo maaliyadsiinta argagaxisada

by Alex Kithumbu

Jowhar, 2-da Juun, 2024 – Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa tababar u fidiyay ciidanka dambi baarista hirshabeelle si uu uga caawiyo oggaanshaha iyo la-dagaalanka dembiyada maaliyadda iyo ka hortagga maaliyadsiinta argagaxisada.

Tababarka oo ay fududaysay qaybta Booliska ATMIS, ayaa waxaa ka mid ahaa casharro nadari ah iyo kuwo gacan ka qabasho ah. Saraakiisha waxay kor u qaadeen xirfadahooda ku saabsan sirdoonka maaliyadda, oggaanshaha dhaqista lacagaha, baarista musuqmaasuqa iyo wax-isdabamarinta, iyo fahamka habraacyada iyo hababka dambi baarista.

“ATMIS wuxuu aqoonsan yahay baahida loo qabo in la dhiso kartida dhiggeenna Soomaaliyeed iyo in la baro aqoonta ku aaddan isbeddelka sii kordhaya ee dembiyada maaliyadeed iyo maaliyadsiinta argagixisada ee Afrika iyo adduunka oo dhan,” ayuu yiri ASP Ernest Agbo, oo ah Madaxa tababarayaasha ciidanka Booliska ATMIS ee Jowhar.

Wuxuu sii sheegay “Waxaan ku faraxsanahay natiijadii ka soo baxday tababarka. Arrintan ayaa cadaatay intii lagu guda jiray xiisadihii su’aalaha-iyo-jawaabta, halkaasi oo ay saraakiisha ku muujiyeen heerka sare ee ballanqaadkooda. Waxaan ku kalsoonahay in ay hadda aqoon fiican u leeyihiin oggaanshaha iyo joojinta macaamulaadka maaliyadeed ee sharci-darrada ah iyo ka guulgaaridda dagaalka ka dhanka ah argagaxisada”.

Taliyaha ciidanka taraafikada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Gaashaanle Xasan Daauud, ayaa ATMIS uga mahadceliyay taageerada joogtada ah iyo towjiihinta ay siiyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Wuxuu ATMIS ka codsaday tababarro noocaan oo kale oo dheeraad ah.

“Waxaan doonayaan in aan ATMIS ugu mahadceliyo tababarka karti-dhisidda ah ee ay siiyeen Booliska Dowlad-goboleedka Hirshabeelle. Waxaan saraakiisha ugu baaqayaa in ay si hufan uga faa’iideystaan xirfadaha ay barteen waxaanna ATMIS ka codsanayaa in ay noo qabtaan tababar dheeraad ah iyo barnaamijyo towjiihiin ah,” ayuu Gaashaanle Daa’ud ku sheegay dhammaadka tababarka.

Xafladdii gebagebbada waxaa ka soo qaybgaley sarkaalka Arrimaha Madaniga ATMIS ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Christopher Aria, iyo Taliye Ku-xigeenka Guutada Burundi ee ATMIS, Gaashaanka Dismas Hakizimana oo ay wehliyaan saraakiil sarsare oo ka socda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 

You may also like