Home » Ciidamada Burundi ee ATMIS oo u dabaaldagay 61 sanad-guuradii xornimada dalkooda

Ciidamada Burundi ee ATMIS oo u dabaaldagay 61 sanad-guuradii xornimada dalkooda

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 2 Luulyo 2023 – Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa maanta sabtida farxadda la qaybsaday dalkooda iyagoo qabtay munaasabad ay ug uku xusaayeen dabaaldagyada 61 sanad-guuradii xorriyadda ay ka qaateen gumeystihii.

Munaasabadda oo lagu qabtay caasimadda Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda sare ee ATMIS iyo mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay oo ay ka mid ahaayeen Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS (SRCC), Danjire Mohamed El-Amine Souef; Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Aisa Kacyira, Taliyaha Ciidanka ATMIS, Sarreeye Guud Gen. Sam Okiding iyo Taliyaha Booliska, Hillary Sao Kanu.

Waxaa kaloo ka soo qayb galay taliye ku xigeenka ciidamada ATMIS u qaabilsan hawlgalinta iyo qorshayaasha, Marius Ngendabanka; Safiirka Talyaaniga, Alberto Vecchi; Ku simaha safiirka Yugaanda u fadhiya Soomaaliya Danjire Sarreeye Gaas (hg) Nathan Mugisha, iyo dhiggiisa Kenya, Sarreeye Gaas (hg) Thomas Chepkuto.

Hadajeedintiisi, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS (SRCC), Danjire Mohamed El-Amine Souef xusay kaalinta mugga leh ee wadanka Buruundi ee nabadda iyo xasilloonida Afrika, gaar ahaan wadamada Soomaaliya iyo Bartamaha Afrika.

“Burundi waxa ay si weyn uga qayb qaadatay nabadda habboon ee caalamiga ah iyada oo inta badan loo marayo xalal siyaasadeed oo ku qotoma dhexdhexaadin iyo ka-qaybgal joogto ah oo lagu taageerayo nabadda iyo amniga,” ayuu yiri Madaxa ATMIS.

“Burundi waligeed kama aysan gaabsan in ay waqti iyo dadaal geliso howlgallada nabadda taasoo dad badan uga dhigan rajada gaarka ah ee lagu heli karo nabad waarta sida wadamada Soomaaliya iyo Bartamaha Afrika,” ayuu raaciyay.

Iyada oo ku raacsan hadalka Madaxa ATMIS, ayay Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xogyaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho ku ammaantay nabad-ilaaliyeyaasha ka socda dalka Burundi geesinimadooda iyo naf-hurnimadooda, waxa ayna ballan-qaadday in ay ka go’an tahay Qaramada Midoobay in ay sii waddo taageeridda Hawlgalka Midowga Afrika.

“Iyada oo in In ka badan 3,000 oo askari oo Burundi ah oo ay ka go’an tahay kaalintooda howlgalka ugu weyn ee taageerada nabadda ee Midowga Afrika, aya waxaad maalin walba isbedel wanaagsan ku dabaashaan ammniga dadka Soomaaliyeed,” ayay tiri Marwo Gbeho.

Sarreeye Guud Okiding ayaa dhankiisa bogaadiyay ciidamada Burundi sida ay u nabadeeyeen Soomaaliya iyo ilaalinta dadka rayidka ah ee ku sugan goobaha ay mas’uuliyadda ka saaran tahay.

“Ciidanka Burundi ee jooga Soomaaliya waxay safka hore kaga jiraan nabadeynta iyo xasiloonida goobaha ay mas’uulka ka yihiin, waxaana idinku ammaaneynaa dadaalka naf-hurnimada leh ee aad muujiseen,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka ATMIS.

Sarreeye Gaas Marius Ngendabanka, oo ka soo jeeda dalka Burundi, ayaa faah faahin ka bixiyay wax yaabaha ay qaybteen ciidamada Burundi tan iyo markii ay Soomaaliya yimaadeen 2007-dii, wuxuuna ku celceliyay inay ka go’an tahay geeddi-socodka nabadda.

“Ciidanka Burundi, oo hadda ku sugan Qaybta 5-aad ee Shabeellaha Dhexe, waxay muujiyeen taageerada ay u hayaan dadaallada nabadda iyo xorriyadda Afrika, sidaas darteed waxay tusaale u noqdeen dalalka kale ee Afrika,” ayuu yiri Sarreeye Gaas Ngendabanka.

Munaasabad tan la mid ah ayaa lagu qabtay magaalada Jowhar halkaas oo Taliyaha Qeybta 5-aad ee ATMIS, Sarreeye Guuto Jean Claude Niyiburana, oo hogaaminayay ciidamada Burundi iyo kuwa kale ee ATMIS oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay iyo maamulka deegaanka ay sidoo kale qabteen xuska maalintan.

Burundi ayaa ka mid ah wadamada ciidamadooda ay mid yihiin ATMIS oo ay sidoo kale ciidamadooda kujiraan wadamada Djibouti, Ethiopia, Kenya, iyo Uganda.

 

You may also like