Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa beddelay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) 1-dii Abriil 2022. Waxaa oggolaaday Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika (AU-PSC) KULANKII 1068-aad ee 8-dii Maarso 2022 waxaana waajibaad shaqo siiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 31-kii Maarso 2022 sida uu dhigayo Qaraarka 2628 (2022), oo leh waajibaad shaqo oo billow ah muddo 12 bilood ah.
ATMIS waa hawlgal ka dambeeyay hannaan wada-tashi oo dhameystiran oo u dhexeeya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS), Midowga Afrika, Qaramada Midoobay (UN), Midowga Yurub (EU) iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah.
ATMIS waxa uu waajibaad shaqo oo qeexan u haystaa in uu si buuxda u fuliyo qorshaha kala-guurka ee Soomaaliya (STP) oo ah qorshe istiraatijiyadeed oo tafaasiil ka bixinaya xil-wareejinta mas’uuliyadda amniga ee Midowga Afrika oo lagu wareejinayo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Guji dokamiintiyada hoose kuwaaso fasaxaya misna waajibaad shaqo siinaya ATMIS: