Home » African Union Mission in Somalia (AMISOM) transitions to African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS)

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo u wareegaya Howlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)

by Alex Kithumbu
ATMIS PRESS-STATEMENT-1

ADDIS ABABA, Abriil 1, 2022: Howlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si hufan ula wareegay Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyadoo la raacayo go’aankii Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) oo kal-fadhigiisa 1068-aad kulan ah qabtay 08-kii Maarso 2022, kaasoo lagu amrayey ATMIS inay ka taageeraan Dowladda Federaalka Soomaaliya hirgelinta Qorshaha kala-guurka ah ee Soomaaliya iyo in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada iyo hay’adaha amniga Soomaaliya.

“AMISOM waxay gaartey guulo la taaban karo 15-kii sanadood ee la soo dhaafay iyadoo la taageeranayo soo ifbaxa Ciidan Qaran oo Soomaaliyeed oo tayo leh, Boolis Soomaaliyeed oo xirfad leh iyo hay’ado federaal ah. Howlgalkan cusub ee dhowaan la isla qaatay, waxa uu ka tarjumayaa xaaladda isbedalaysa ee dalka, iyo sida ay Midowga Afrika uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay u fidiyaan dalka walaalaha ah ee Soomaaliya, si ay u soo celiyaan nabad waarta, amni iyo xasillooni,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, H.E. Moussa Faki Mahamat.

Laga soo bilaabo markii la bilaabay 2007-dii, ujeeddada AMISOM waxay ahayd inay gacan ka geysato soo celinta amniga iyo xasilloonida, horumarinta wadahadalka, dib-u-heshiisiinta, iyo ka wada qaybgalka, iyo sidoo kale xoojinta horumarka lagu gaarayo Soomaaliya oo ammaan ah, midaysan, nabad ah, dimuqraadi ah, islamarkaana horumarsan.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga, H.E. Danjire Bankole Adeoye, ayaa tilmaamay in, “In iyada oo wax lagu dhisayo khibradaha iyo casharrada AMISOM, ATMIS loogu talagalay inay noqoto mid ka dhaqdhaqaaq badan, ka fudud oo guurguuri karta, ka debecsanaan badan oo loo habeeyey si ay u yeelato awood fal-celineed oo degdeg ah iyo awoodo la gudboon halisaha ammaan ee jira isna gedgedinaya ee soo bixaya.”

Wuxuu intaas ku daray, “in iyadoo loo sii marayo ATMIS, uu Midowga Afrika sidoo kale dib u habeyn doono qaybihiisa howlgal ee ka socda Soomaaliya oo dhan si ay si wanaagsan ugu diyaariyaan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya si ay ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka 31-ka Diseembar 2024-ka, sida uu hagayo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya. Tan waxaa lagu samayn doonaa iyadoo mudnaanta la siinayo dhisidda ciidan, abaabulka iyo isku dhafka iyo sidoo kale kor u qaadida aqoonta hawl-fulinta, iyo taageerada saad ee ATMIS iyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya”.

Waxaa xusid mudan in isbedellada iyo caqabadaha ka jira Soomaaliya ay u baahan yihiin in wejiyo badan oo dhinacyo kala geddisan leh loo wajaho amniga iyadoo si dhab ah loo raadinayo in wax laga qabto dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dowladnimada ee dhibaatada Soomaaliya.

Marka dhankan la eego, ATMIS – oo shaqo billowday 1-dii Abriil 2022 – waxa uu noqon doonaa howlgal dhammaystiran oo dhinacyo badan leh oo awood u leh inuu taageero horumarinta Ciidamada Amniga Soomaaliya iyo hay’adaha dowladda. Iyadoo kala-guurka uu yahay geeddi-socod adag, Midowga Afrika, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah waxaa ka go’an guusha ATMIS si ay u caawiyaan Soomaaliya si ay u gaarto nabad waarta iyo dib-u-heshiisiin iyo in la xaqiijiyo horumarro la taaban karo oo ku wajahan dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshada.

You may also like