Home » ATMIS and Somali security forces step up joint patrols in Barawe

Ciidamada ATMIS IYO CIIDAMADA AMaanka SOOMAALIYA ayaa wareeg WADA JIR AH oo roondo ah ku sameeyey magaalada BARAAWE

by Alex Kithumbu

Baraawe – Ciidamo ka tirsan hawlgalka Midowga Afrika ee kumeelgaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) iyo kuwa amaanka Soomaaliya ayaa si wadajir ah oogu sameeyey rondo degmada Baraawe ee maamulka Koonfur Galbeed, si ay uga hortagaan weerarada ay maleegayaan kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha kooxda 38-aad ee ciidamada Uganda (UPDF) ee qaybta ka ah ATMIS ee fadhigoodu yahay magaalada Baraawe, G.sare. Christopher Berochan, ayaa sheegay in roondooyinka wadajirka ah ay yihiin kuwo firfircoon iyo falcelinaya isla markaana ay gacan ka geysan doonaan sugidda amniga gobolka Shabeellaha Hoose.

“Waxaan sii laba jibaarnay howlgallada aan si wadajir ah uwada fulinayno ciidamada amaanka Soomaaliya (SSF) ee lagula dagaalamayo khataraha Al-Shabaab ee Baraawe iyo nawaaxigeeda,” ayuu yiri G.sare Berochan.

Waxuu u xaqiijiyay dadka deegaanka in ciidamada Midowga Afrika inay sii wadayaan taageerada, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ay sii wadi doonaan inay si wadajir ah ula shaqeeyaan Ciidamada Amaanka soomaaliya.

“Waxaan rabnaa inaan u xaqiijinno dhammaan dadka degmada in ATMIS ay si wadajir ah ula shaqeyneyso Ciidamada Amaanka soomaaliya habeen iyo maalin si loo ilaaliyo nabadda iyo ammaanka degmada,” ayuu yiri G.sare Berochan.

Iyadoo 210 km koonfur-galbeed ka xigta caasimadda Muqdisho, Baraawe waa magaalada dekada u ah dowlad goboleedka Koonfur-galbeed, waana mid ka mid ah aaga masuuliyada ATMIS.

G.sare Berochan ayaa ku celceliyay in wada shaqeyntu ay muhiim u tahay xaqiijinta in degmada Baraawe ay ahaato mid ammaan ah si dadka deegaanka uwataan noloshooda caadiga ah.

Hadalkiisa waxaa ka dhawaajiyay guddoomiyaha degmada Baraawe, Cumar Sheekh Cabdi Shafaana, wuxuuna ku nuux-nuux saday in ciidamada Midowga Afrika iyo Ciidamada Amaanka soomaaliya ay ka feejignaadaan sidii ay uga hortagi lahaayeen weerar kasta oo ay maleegayaan kooxaha argagaxisada ah.

“Muhiimada roondooyinkaan waa in la fashiliyo weerarada qorsheysan ee Al-Shabaab, waxaana naga go’an in aan joogteyno oo uuna wax weerar ah ka dhicin Baraawe” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada oo sidoo kale ka qeyb qaatay roondooyinka wadajirka ah.

Degmada Baraawe ayaa nabad ahayd tan iyo sanadkii 2014-kii markaasoo laga saaray Al-Shabaab oo magaalo xeebeedkan u adeegsan jiray furinta laga soo abaabulo falalka argagixisada ee Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee waaweyn lagu qaadi jirey.

ATMIS iyo Ciidamada Amaanka soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe kordhiyey roondooyinka kadib markii warbixino sirdoon ay ogaadeen dhaq dhaqaaqyo xoog leh oo Al-Shabaab ay ka wadaan gobolka Sh/hoose.

 

You may also like