Home » ATMIS iyo EUCAP oo tababar dhanka amniga badda ah u fidiyay ciidamada bada iyo ilaalada xeebaha ee Soomaaliya

ATMIS iyo EUCAP oo tababar dhanka amniga badda ah u fidiyay ciidamada bada iyo ilaalada xeebaha ee Soomaaliya

by Alex Kithumbu

Muqdisho – Shan iyo toban kamid ah Ciidamada bada iyo ilaalinta xeebaha Soomaaliya ayaa dhameystey tabobar heer sare ah oo ku saabsanaa Ilaalada bada. tabobarkaas oo ay soo agaasimeen hawlgalka midawga afrika ee ku meel gaarka ah iyo hawlgalka Midawga yurub ee kobcinta awooda soomaaliya. Tabobarkaas oo socdey mudo labo todabaad ah oo isugu jirey mid ficil ah iyo mid akhris ah kaas oo ku saabsanaa sidii looga caawin lahaa soomaaliya sidey u adkeyn lahayd amniga xeebta ugu dheer Afrika xili layareynayo 2000 oo ah Ciidama ATMIS Bishan Juun 30keeda.

“Tabobarkan ku celiska ah waxuu xoojinayaa hadafyadii qorsheysnaa ee qorshaha kumeelkaarga ah ee Soomaaliya iyo Kan ATMIS siiba kan hagida iyo kobcina Dhamaan hayadaha Dawlada federalka ah ee Soomaaliya” Sidaasi waxaa yiri Sareeye Gaas Peter Muteti, oo ah taliye ku xigeenka Ciidamada ATMIS waaxda caawinta iyo Gaadiidka.

Isagoo hadlayey maalintii Axada ee soo xiritaanka Xafladii Tabobarka ayuu yiri Muteti waxaan horumar fiican ka gaarney hawlihii noo yaaley si aan udhisto hayado adag ee Soomaaliyeed, xili aan udiyaar garoobeyno si aan si heerar kala duwanleh ugu wareejino masuuliyada Amniga Ciidamada aminga ee Soomaaliya si waafaqsan qaraarkii Golaha amniga ee Qaramada midoobey  (UNSCR) 2628 iyo  2670.

“Waa muhiim In la tabobaro Ciidamada bada iyo ilaalinta xeebaha Soomaaliya si ay u awoodaan in ay fuliyaan Sharciga iyo kala danbeynta Bada, raadinta iyo badbaadinta, iyo iney difaacaan bada Soomaaliya, iyagoo sugaya isu socoda bada kana hortago waxyaabaha sharci darada ah, sida kaluumeysida sharcidarada ah, in bada lagu qubo wasakh halis ah iyo danbiyo kale” sidaas waxaa yiri  Sareeye Gaas Muteti xiligii uu xaflada soo xirayey. Soomaaliya waxey leedahey xeebta ugu dheer afrika iyadoo gaareysa 3300killometer oo ay ka buuxaan kheyraadka bada waxaana badanaa ka jira kaluumeysiyo sharci daro ah sidaas darted waxaan ubaahanay Cidamo badeed oo aad utabobaran una qalabaysan si uu wadanku sibuuxda ooga faa’iido kheyraadka bada iyo Dhaqaalaha cagaaran.

Sanadihii lasoo dhaafey hawlgalka midawga afrika ee ku meel gaarka ah, hawlgalka Midawga yurub ee kobcinta awooda soomaaliya iyo Qaramada midoobeey ayaa caawinayey ciidamada bada ee Soomaaliya iyagoo Siinayey talobixino, kobcinta awooda, tabobaro, gaadiid iyo talobixino heersare ah oo ku saabsan waardiyeynta bada.

Ku xigeenka Hawlgalka Midawga yurub ee kobcinta awooda soomaaliya Dr. Fabian Loewenberg ayaa sheegey in tabobarku u ahaa mid muhiim u ah Soomaaliya ee arimaha la xiriiri bada waxuuna xaqiijiyey in Hawlgalka Midawga yurub ee kobcinta awooda soomaaliya uu sii wadi doono tabobarada noocan oo kale ah.

“Anigoo ka hadlayo mawduuca tabobarkan ee ah in lahelo Ciidamada bada iyo ilaalinta xeebaha Soomaliya oo si fiican ushaqeynayo” sidaas waxaa yiri Kuxigeenka ciidamada bada iyo ilaalinta soomaaliya Gaashaanle, Abdiwaahid Ali Afrah. waxuuna ku adkeeyey Askartii la tabobarayey in ay aqoonta ay barteen lawadaagaan saaxiibadooda kale.

Askarta waxaa lagu tabobarey tabobaro kala duwan oo ay ka mid yahiin amniga bada, farsamada Gaadiidka bada, Waardiyeynta bada, shuruucda bada, gargaarka degdega ah, isgaadhsiinta bada iyo waxyaalo kaloo badan.

Ahmed Abdulrashid Omar oo Ka tirssan ciidamada Qaranka Soomaaliya ahna qorsheeye haysta shan sano oo xirfad Ciidan ah ayaa sheegey inuu tabobarka ku kordhiyey kalsooni adag.

“tabobarkan waxaan ka heley aqoon fara badan oo ay ka mid yahiin, dhaqaajinta, Shidaaleynta, tijaabinta doomaha, hagistooda iyo waxyaalo kaloo farabadan sidaasi waxaa yiri askari katirsan Ciidamada bada iyo ilaalinta xeebaha Soomaliya.

Gaashaanle Matthew Achiga oo ah taliyaha Ciidamada bada ee ATMIS ayaa yiri “waa lagaarey ujeedooyinkii tabobarkan waayo tabobartayaashii ayaa soo bandhigey fahamkooda Bada ee isticmaalka Doomaha iyo farsamo bixinta muhiimka ah ee Doomaha.

You may also like