Home » AMISOM, Somali military commanders set up teams to agree priorities for new AU mission

AMISOM iyo taliyayaasha millateriga Soomaaliya ayaa sameeyay kooxo si ay ugu heshiiyaan mudnaanta howlgalka cusub ee Midowga Afrika.

by panyo

Muqdisho 18-ka Maarso, 2022 – Saraakiisha Sare ee Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) ayaa ku heshiiyey in la sameeyo kooxo farsamo oo isku dhaf ah oo ka shaqeeya hirgelinta Fikradda Howlgallada cusub ee Howlgalka Nabadda Midowga Afrika ee Soomaaliya ee bedeli doona midkii AMISOM laga bilaabo 1-da Abriil.

Fikradda Howlgallada (CONOPS 2022-2024) waa dokumeenti dhammaystiran oo uu wehliyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya (STP), kaasoo jihayn doona howlgallada howlgalka cusub, iyadoo loogu yeeri doono Howlgalka Kala-guurka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Go’aanka lagu dhisayo kooxaha farsamada ee isku dhafka ah ayaa maanta oo Khamiis ah lagu gaaray magaalada Muqdisho, kaddib shir socday afar maalmood oo lagu qorsheynayey sidii Howlgalka AMISOM loogu wareejin lahaa ATMIS. Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay wakiillo ka socdey DFS, Taliyeyaasha Ciidamada XDS iyo AMISOM, Wakiillo ka socday Booliska Soomaaliya iyo Booliska AMISOM, sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Saraakiil ka socotey Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Taageerada Soomaaliya ee UNSOS, Qaramada Midoobey. Adeegga Waxqabadka Miinada (UNMAS), Kooxda Taageerada Howlgalka ee UK (UKMST), Howlgalka Tababarka Midowga Yurub (EUTM), iyo dhowr saaxiib oo caalami ah oo ay Soomaaliya leedahay.

“Waxaa la soo jeediyey in koox farsamo oo isku dhaf ah oo ka kooban wakiillo ka socda ATMIS, Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo UNSOS lagu sameeyo muddo laba bilood gudahood ah si ay ugu heshiiyaan hirgelinta qorshaha CONOPS ee la soo jeediyey. Waa in wada xaajoodyadu ka socdaan gudaha madasha hawlgallada si loogu heshiiyo in Saldhigyada Hawlgalka Furumaha Hore (FOB) loogu wareejiyo, laga guuro ama la burburiyo,” ayuu yiri Taliyaha Ciidammada AMISOM, Sarreeye Guud Diomede Ndegeya, dhammaadkii shirka.

Jen. Ndegeya ayaa ku celceliyay in Al-Shabaab ay wali halis ku yihiin amniga Soomaaliya, hoos u dhigida malleeshiyaadka hubeysanna ay wali tahay mudnaan muhiim ah oo loo gelayo howlgalka cusub. Si taas loo gaaro, waxa uu ugu baaqay taliyeyaasha qaybaha XDS iyo ATMIS in ay sii wadaan fulinta howlgallada wadajirka ah ee la beegsanayo, iyo sidoo kale in la howlgeliyo Xarumaha Isku-duwidda Howlgalka Wadajirka ah ee ay AMISOM dhowaan dhistay si ay uga caawiso isku-duwidda sirdoonka iyo howlgallada.

“Marka la eego qiimaynta halista, waxaa la arkay in Al-Shabaab ay weli tahay khatarta ugu wayn ee amniga Soomaaliya. Gabbaadyadeedii ay ugu xoogga badnayd ayaa weli ku yaal Jubaland, Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe, iyo Galmudug. Isticmaalka Walxaha Qarxa ayaa weli ah hubka ay Al-shabaab ku fuliso gabood-fallada baaxadda leh,” ayuu yiri Lt. General Ndegeya.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in guulihii ay soo hooyeen AMISOM tan iyo markii ay bilaabeen inay Soomaaliya ka howlgalaan 2007-dii waa in la hoos geeyo ATMIS iyada oo la tayeynayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya si ay ugu diyaar garoobaan kala wareegidda ATMIS ee mas’uuliyadda amniga Soomaaliya laga bilaabo sanadka 2024.

“XFS waxaa ka go’an in ka badan sidii hore ay u xaqiijiso in ciidamadeeda amnigu ay noqdaan kuwo tayo leh oo loo qalabeeyo si ay u gaaraan heerka looga baahan yahay guulaha laga gaaray hirgelinta CONOPS iyo in la buuxiyo halbeegyada Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka ayaa ku baaqay in la kordhiyo howlaha isku xirka ciidamada madaniga ah ee hoos yimaada ATMIS si bulshada degaanku ay u dareemaan saameynta wanaagsan ee nabad ilaalintu ay ku yeelanayso nolol maalmeedkooda, ayna kala shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

“In laga adkaado Al-Shabaab ma ahan in lagu koobo qaab ciidan oo kaliya, waxaan u baahan nahay is dhexgal bulsho oo dheeraad ah si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonnida goobaha la xoreeyey anagoo awood u siineyna CIMIC si kor loogu qaado xooggeeda si loo daboolo baahiyaha muhiimka ah ee bulshada iyo wanaajinta xiriirka ciidamada rayidka ah si loo kasbado quluubta iyo maskaxda dadka,” ayuu yiri Nuur.

Taliyaha Ciidanka XDS, General Odowaa Yuusuf Raage, ayaa carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in saaxiibada caalamka aysan kaliya u gudbin taageerada saadka, kaliya hawlgallada wadajirka ah ee ka dhaxeeya XDS iyo ATMIS, laakiin sidoo kale hawlgallada ay si madaxbanaan u fuliyaan ciidamada XDS.

“Si howlgalku uu u gaaro waajibaadkiisa gaarka ah muddada lagu sheegay CONOPS iyo marxaladaha kala guurka, taageerada beesha caalamka iyo saaxiibbada caalamiga ihi waa muhiim. Waxaan codsaneynaa in taageero dheeri ah oo dhanka saadka ah lasiiyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed marka ay samaynayaan howlgalkooda madaxabannaan, marka laga soo tago howlgallada wadajirka ah ee muujiyay waxtarka lagu wiiqayo cadawga,” ayuu yiri Jeneral Odawaa oo ka hadlayey munaasabadda xiritaanka shirka.

Shirka Taliyeyaasha Qaybaha waa shir inta badan u dhaxeeya AMISOM iyo SNA kaasoo dhaca saddexdii biloodba mar si loo qorsheeyo mudnaan-siinta arrimaha amniga ee howlgalka.

You may also like