Home » Danjire Maxamed Amiin Seyf oo soo gaaray Soomaaliya si uu ula wareego howlahiisa shaqo ee Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika anha Madaxa Howlgalka KMG Midowga Afrika ee Soomaaliya

Danjire Maxamed Amiin Seyf oo soo gaaray Soomaaliya si uu ula wareego howlahiisa shaqo ee Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika anha Madaxa Howlgalka KMG Midowga Afrika ee Soomaaliya

by Alex Kithumbu
SRCC

Muqdisho– Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ee dhawaan la soo magacaabay Danjire Maxamed Amiin Seyf, ayaa maanta soo gaaray Soomaaliya si uu ula wareego howlahiisa shaqo ee Maxdaxa Howlgalka KMG Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Waxaa durbadiiba Danjire Seyf Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho ku soo dhaweysay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika Marwo Fioa Lortan, saraakiil sarsare oo ka tirsan melitariga iyo booliska ATMIS iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Isaaq Maxamuud Mursal.

Ka dib kulamo kooban oo uu ku qaatay qeybta VIP-da ee garoonka, Danjire Seyf wuxuu u sii gudbay Xarunta-dhexe ee Howgalka ATMIS, halkaas oo uu ku soo kormeeray cutubyo ka tirsan ciidamada howl-galka ATMIS ee ka socda Uganda. Ka dib waxa uu la kulmay shaqaalaha oo uu shir albaabadu u xiranyihiin oo la xiriir amniga la yeeshay madaxda ugu saraysa ATMIS.
Danjire Seyf oo ah Wakiilka Guddoomiyaha Midowga Afrika ayba Madaxa Howgalka ayay shaqadiisu tahay korjoogteynta howlaha ciidanka Midowga Afrika Militari iyo Boolis iyo sidoo kale shaqaalaha rayidka ah, wuxuuna si dhow ula shaqeyn doonaa hay’adaha shaqo wadaaga yihiin si loo soo celiyo amniga, xasilloonida iyo qorshooyinka siyaasadeed ee socda.
Halkan ka akhriso haddii aad dooneysid inaad wax badan ka ogaato Danjire Maxamed Amiin Seyf.

You may also like