Danjire Francisco Caetano Jose Madeira ayaa ah Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya (SRCC) ahna Madaxa Hawlgalka.
Wuxuu xafiiska la wareegay 4-tii December 2015-kii.
Danjire Francisco Madeira waxa uu 4 April 1954 ku dhashay Beira, Mozambique.
Danjire Madeira ayaa khibrad ballaaran u leh diblomaasiyadda, la dagaalanka argagixisada, nabadda iyo amniga iyo hindisayaasha dib-u-heshiisiinta.
Waxa uu hore u soo noqday Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Hawlaha la-dagaalanka Argagixisada. Waxa uu sidoo kale soo noqday Agaasimaha Xarunta Afrika ee Cilmi-baarista iyo Daraasaatka Argagixisadda (ACSRT) ee fadhigeedu yahay Algiers, jagadaas oo ay u wehlisay Ergayga Gaarka ah ee arrinta jabhaddii LRA (Lord’s Resistance Army) laga billaabo Noofambar 2011 ilaa Luulyo 2014.
1984 ilaa 1989 waxa uu soo noqday safiir Mozambique u fadhiyay wadamo badan oo Afrikaan ah iyo la-taliye diblomaasiyadeed ee Madaxtooyada.
Waxa uu xubin ka ahaa ergadii dawladda u mataleysay wada-xaajoodkii nabadeed ee RENAMO, kaas oo ka dhashay Ogoosto 1992 Heshiiskii Guud ee Nabadda Rome ee Mozambique.
1995-kii ilaa 1999-kii, waxa uu ahaa Wasiirka Madaxtooyada ee Arrimaha Baarlamaanka, 2000 ilaa 2010, waxa uu noqday Wasiirka Madaxtooyada ee Arrimaha Diblomaasiyadda.
Danjire Madeira ayaa gacan ka geystay dhowr hannaan nabadeed oo qaaradda ah. Gaar ahaan, wuxuu ahaa Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Mozambique ee Gobolka Harooyinka Waaweyn; Waxa uu xubin ka ahaa kooxihii fududaynta wada-xaajoodka nabadda ee Arusha ee Burundi (1997 – 2000) ee ay garwadeenka ka ahaayeen madaxweynayaashii hore ee Julius Nyerere iyo Nelson Mandela; waxa uu ahaa Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika (Madaxweynihii hore ee Mozambique Joachim Chissano) ee Sao Tome and Principe, ka dib afgambigii luulyo 2003; waxa uu xubin ka ahaa kooxda fududaynta wada xaajoodka LRA ee Suudaanta Koofureed; iyo waxa uu soo noqday Ergayga Gaarka ah ee OAU/AU u qaabilsan Comoros (1999 ilaa 2010).
Waxa uu shahaadada sharciga ka qaatay Jaamacadda Eduardo Mondlane, Mozambique. Sidoo kale waxa uu shahaadada Diploma ee xiriirka caalamiga ah ka qaatay xarunta xiriirka dibadda ee magaalada Dar-es-salaam ee dalka Tanzania.
Wuxuu xubin ka ahaa baarlamaanka qaranka Mozambique Janaayo 2005 ilaa Janaayo 2010.