Home » African Union, Federal Government of Somalia and partners start second phase of technical discussions on new AU mission in Somalia

Midowga Afrika, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa bilaabay wejigii labaad ee doodaha farsamo ee Howlgalka Cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

by panyo

Mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo saaxiibada beesha caalamka ayaa ku shirsan magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlaya waxa uu ka kooban yahay waajibaadka shaqo ee loo igmaday, cabbirka, qaab dhismeedka, iyo Fikradda Howlgallada (CONOPs) ee soo jeedinta howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya – Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), kaasoo beddeli doona Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo waqtigiisu dhammaanayo 31-ka Maarso 2022.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ugu horreeyn ka hadlay furitaanka ayaa sheegay in qorshaha la soo jeediyay, sida ay ku heshiiyeen dhinacyada ugu muhiimsan ay diiradda saari doonaan sidii loo hirgelin lahaa mudnaanta Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya (STP). STP waa istaraatiijiyad dhameystiran oo ay dejiyeen DFS iyo saaxiibadeeda si ay ugu jiheeyaan in si tartiib-tartiib ah mas’uuliyadda amniga Soomaaliya loogu wareejiyo Ciidamada Amniga ee Soomaaliya.

“Sida ay soo jeedinayaan kooxaha farsamada ee DFS iyo AU, waajibaadka howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya wuxuu noqon doonaa in la taageero Dowladda Federaalka ah si ay u fuliso ujeedooyinkeeda istiraatijiyadeed iyo mudnaanta STP,” ayuu yiri Wasiir Nuur.

Madaxa AMISOM iyo SRCC, ayaa sheegay inay muhiim tahay in kooxaha farsamadU ay la yimaadaan qorshe cad oo lagu kala saarayo howlgalka cusub ee ATMIS iyo kii AMISOM.

“Waxaan ku heshiinney waxa loo baahan yahay in la sameeyo. Si kastaba ha ahaatee, waxaa loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo sidii arrintan loo fulin lahaa, iyadoo la adeegsanayo qaabka iyo waxa la rabo in lagu kala saaro howlgalka cusub iyo kii AMISOM. Kani waa mashruuc lama huraan u ah dhammaanteen qaalina inoo ah, laakiin si uu u guulaysto waxa uu u baahan yahay dammaanad qaadka ilo lagu kalsoonaan karo oo dhaqaale iyo taageero ku filan oo la saadaalin karo. Sidaa darteed, marka uu dhamaado shirka farsamadu, waa in aan sameyn karno ballanqaadyo cad oo ku saabsan waxa qof walba oo naga mid ihi uu ku biirin doono si gebagebada lagu heshiiyo ay u noqoto mid hirgasha oo guulaysata,” ayuu yiri Danjire Madeira.

Ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Anita Kiki Gbeho, ayaa sheegtay in Qaramada Midoobey ay ka go’an tahay in si guuleed dib u habayn loogu sameeyo AMISOM iyadoo loo marayo wadatashi, iskaashi, iyo isku dubarid.

“Waxaan soo dhowaynaynaa bilowga wadahadallada farsamo si loo sii horumariyo qabyo-qoraalka Fikradaha Hawlgallada, samaynta soo jeedin wadajir ah, iyo xirmada taageerada saadka si waafaqsan dhabbe-howleedka la isku raacay. Qorshaha kala guurka ee Soomaaliya, oo ah jiheeye lagu hagayo shaqadeenna, ayaa diiradda saaraya sidii Soomaaliya lagu gaarsiin lahaa isbedel amni oo dhameystiran, Qaramada Midoobayna waxaa ka go’an in ay taageerto hannaankan ay Soomaalidu hormuudka ka tahay. Waxaan rabaa in aan hoosta ka xarriiqo in dib-u-habaynta AMISOM ee hawlgal cusubi ay qayb muhiim ah ka tahay dedaalkan,” ayay tiri Gbeho.

Madaxa Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann, ayaa iyana sheegtay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu gacan ka gaysto howlgalka dib loo habeeyey, ilaa inta uu ka bixinayo caddaymo maangal ah oo ku aaddan jihada uu qaadi doono.

“Qorshaha wadajirka ihi waxa uu tixraacayaa maalgelin waarta, la saadaalin karo oo ku filan, waxaanan dhihi karaa waxaan diyaar u nahay inaan noqonno wax biiriye oo aan xaqiijinno saadaalintan, si kastaba ha ahaatee waa in la sameeyaa qorshe dib-u-qaabayn oo macquul ah, danta laga eegay oo aan diirad wareersanayn,” ayay ku nuuxnuuxsatay

Madaxa Horumarinta Siyaasadda ee Qaybta Hawlgallada Taageerada Nabadda ee Midowga Afrika, Zinurine Algahli, ayaa tilmaamay qodobbada ay kala saxiixdeen guddiyada Farsamo ee Midowga Afrika-FGS kaddib wada hadallkoodii lagu qabtay 17-kii ilaa 21-kii Jannaayo 2022 Addis Ababa, Itoobiya, ee lagu jeexay sharciyadda, waxa uu ka kooban yahay, cabbirka, ujeeddooyinka istiraatijiyadeed iyo waajibaadyada howlgalka cusub ee qayb kasta oo ka mid ah geeddi-socodka dhanka dhamaystirka Fikradda Howlgallada oo dhinacyo badan islamarkaana sal ballaaran (CONOPs) oo uu yeesho howlgalka cusub.

Sidoo kale waxaa kulanka goob joog ka ahaa Danjiraha Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya, Kate Foster, Xigeenka Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Kosif Ismaaciil Emre iyo Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa wakiillo ka socdey safaaradaha Kenya, Uganda, Ethiopia, iyo Jabuuti ee Soomaaliya. Wadammadan ayaa qayb ka ah wadammada ciidamada iyo booliiska ugu deeqay AMISOM.

20-kii Febraayo 200-dii, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey waxa uu u fasaxay Midowga Afrika in uu diyaariyo howlgal nabad ilaalin ah oo ay ugu horreeyaan lix bilood. Sanadihii lasoo dhaafay, AMISOM waxa ay ka shaqeysay sidii loo dhimi lahaa khatarta Al-Shabaab, waxaana ay Soomaaliya u sugtay amniga si ay u dhisto hannaan siyaasadeed oo ay ka mid yihiin dowladnimada, xasilinta, dib u heshiisiinta, iyo nabadaynta Soomaaliya.

You may also like