Home » UNE DELEGATION DE L’UNION AFRICAINE CONCLUT SA VISITE EN SOMALIE SUR LES ARRANGEMENTS DE SECURITE POST-2024

Wafti ka socday Midowga Afrika ayaa soo gebogabeeyay booqasho ay ku yimaadeen Soomaaliya oo la halmaasha qabanqaabooyinka amniga ee 2024-Ka-dib

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 17 Luulyo 2024 – Wafdi ka kooban sagaal-xubnood oo ka socda Qaybta Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU PAPS) ayaa soo gebogabeeyay booqasho uu afar maalmood ku joogey Soomaaliya, ka-dib markii ay wadatashi la yeesheen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bah-wadaagta oo ku saabsan qabanqaabooyinka amniga ATMIS-kadib 2024.

Wada-tashiyadooda waxaa looga jawaabayaa war-murtiyeedkii Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ee 1217 iyo Qaraarka Golaha Ammaanka 2741 (2024), kuwaas oo codsanaya dhammeystirka Fikradda Hawlgallada/Concept of Operations (CONOPS) ee hawlgalka taageerada nabadda ee uu Midowga Afrika hoggaamiyeo in loo soo gudbiyo Golaha Ammaanka QM kama dambeys 31-ka Luulyo 2024.

Wafdiga, oo uu qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (DSRCC) ahna Ku-xigeenka Madaxa ATMIS, Sivuyile Bam, ayaa waxay wada-hadallo la yeeshay koox ka kooban madaxda sare ee ATMIS, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyo wakiillo ka socday Wadamada Ciidamada Ku Deeqay ATMIS (TCCs).

Waxay sidoo kale la kulmeen bah-wadaagta caalamiga ah ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, Turkiga, iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo qayb ka ah Kooxda Dhexe ee Iskaashiga Amniga (CSPG). Agaasimaha Maareynta Colaadda ee Waaxda Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, Dr. Alhaji Sarjo Bah, ayaa fogaan-arag ahaan kaga soo qaybgaley kulanka.

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa sheegay in munaaqashooyinka diiradda lagu saarayo inta uu le’eg yahay, waajibaadka, waqtiga, iyo istiraatiijiyadda bixitaanka ee hawlgalka cusub ee ATMIS-kadib.

“Waxaan ka hadlaynaa istiraatiijiyadda bixitaanka sababta oo ah, marka la sameeyo, hawlgalka waa in uu leeyahay qorshe bixitaan. Midowga Afrika waligiisa Soomaaliya ma sii joogi doono. Arrimahan oo dhan ayaa loo soo bandhigay bah-wadaagta waxaanna lagu falanqeeyay kulanka,” ayuu yiri Danjire Souef.

Danjire Souef ayaa sheegay in inkastoo Soomaaliya ay gaartey guulo amni tan iyo markii ciidamada Midowga Afrika la keenay 207, haddana kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab ayaa halis ku haysa Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika, oo ay ku jiraan jidka ay maraakiibtu maraan ee Badweynta Hindiya.

Madaxa Qorshayaasha, Hawlgallada iyo Taageerada ee Hawlgallada Taageerada Nabadda ee Midowga Afrika (PSOD),Colonel Billy Atwooki Winter, ee wafdiga hoggaaminayay, ayaa sheegay in wadatashiyada lala yeeshay bahwadaagta kala duwan ee ku saabsan qabanqaabooyinka amniga Soomaaliya ee ATMIS-kadib in ay ahaayeen kuwo miro-dhal ah.

“Marka aan dib ugu laabano Addis Ababa, waxaan qaadaneynaa dhammaan qoddobada ka soo baxa wadatashiyadan, kuwaas oo inta si dhammeystiran la isugu geeyo laga soosaari doono Fikradda Hawlgallada (CONOPS) ee ugu dambeysa oo si habboon loola wadaagi doono dhinacyada ay khuseyso,” ayuu yiri G. Sare Atwooki Winter.

 

You may also like