Home » Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ee ATMIS ayaa sahay caafimaad ku deeqay Isbitaalka Gobolka Baay

Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ee ATMIS ayaa sahay caafimaad ku deeqay Isbitaalka Gobolka Baay

by Alex Kithumbu

Baydhabo, 20 July 2024 – Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ee ka tirsan Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) waxay sahayd caafimaad ku deeqeen Isbitaalka Gobolka Baay ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeedka si loo kor loogu qaado daryeelka caafimaadka ee gobolka.

Deeqda, oo looga jawaabayay codsi ka yimid maamulka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa ka koobnayd 73 daawo oo kala duwan iyo sahay aasaasi ah oo ay ku jiraan antibiyootig sida amoxicillin, azithromycin, erythromycin, cetirizine, dextrose iyo insulin. Sidoo kale, ciidamada waxay bixiyeen gargaar qaliin sida saliingooyin, gacmo-gashiyo, af-xir, faashado iyo kateetaro.

“Waxaan ku rajo weynahay in sahay caafimaad oo kala duwan ee maanta isbitaalka lagu deeqay in ay si weyn u haqabtirayso oo u sii wanaajineyso baahiyada caafimaadka degdegga ah ee dadka degaanka,” ayuu yiri Gaashaanle Dr Terefe Nigussie, madaxa isbitaalka Heerka Labaad ee ATMIS ee magaalada Baydhabo ku yaalla.

Dr Nigussie ayaa sidoo kale tilmaamay dadaallada caafimaadka socda ee ATMIS wuxuuna sheegay in, “Deeqdan ay bogaadinayso daaweynta caafimaadka bilaashka ah ee toddobaadlaha ah ee ay dhakhaatiirteenna ku bixiyaan isbitaalka Heerka Labaad ee ATMIS ee la siiyo dadka degaanka ee raba caafimaad dheeraad ah ama loo gudbiyay daaweyn takhasusi ah.”

Duqa magaalada Baydhabo, Cabdulaahi Watiin, oo deeqda ka guddoomay isaga oo ka wakiil ah maamulka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa ATMIS ugu mahadceliyay taageerada ay siiyeen bulshada degaanka.

“Waxaan ciidamada ATMIS ugu mahadcelinaynaa in ay gargaar la soo gaaraan bulshadeenna. Mar kasta oo aan u yeerno, waxay had iyo jeer ka soo jawaabaan codsiyadeenna,” ayuu yir Duqa Magaalada Watin.

Agaasimaha Guud ee isbitaalka, Cabdifataax Ibraahim Xaashi, ayaa ballanqaaday in uu hubinayo deeqda in ay ka faa’iidi doonaan bulshada degaanka gaar ahaan kuw nugul iyo danyarta.

“Waxqabashada ATMIS waa mid la bogaadin karo. Deeqdan waxaa ay timid xilli uu isbitaalku ay ka dhammaanayeen sahayda caafimaadka aasaasiga ah.  Waxaad saadaalin kartaa saameynta ay ku yeellan karaan bukaanadeenna” ayuu yiri Cabdifataax.

Isbitaalka Gobolka Baay oo la dhisay sannadkii 1936, waa xarun caafimaad oo dowladdu leedahay oo ku taalla bartamaha magaalada Baydhabo waxayna u adeegtaa dadka deggan gobolada Baay iyo Bakoo ee Dowlad-goboleedka Koonfur galbeed iyo sidoo kale gobolka Gedo ee ka tirsan Dowlad-goboleedda Jubaland ee deriska la ah.

Isbitaalka wuxuu bixiyaa adeegyo daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah oo ay ka mid yihiin qalliin, daryeelka hooyada, daryeelka caafimaadka carruurta, nafadada, daaweyn bukaan-socod iyo adeegyo shaybaar.

You may also like