Home » DES OFFICIERS D’ETAT-MAJOR DE L’ATMIS NOUVELLEMENT DEPLOYES TERMINENT LEUR FORMATION D’INITIATION

Saraakiil Ka Tirsan Hawlwadeennada ATMIS Oo Dhowaan Hawlgalka Loo Keenay Ayaa Soo Gebbogabeeyay Tababbar Indho-Fur ah

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 29 Juun 2024 – Saraakiil militari cusub oo dhowaan Soomaaliya la keenay oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meelgaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa soo gebbogabeeyay tababar indho-fur ah socday shan maalmood oo qasab ah si ay u ogaadaan waajibaadka iyo hawlgallada taageerada nabadda.

Xafladii furitaanka oo maalintii Isniinta la qabtey, ayaa Ku-simaha Taliyaha Ciidamada ATMIS, Sarreeye Gaas, Marius Ngendabanka, ku sheegay in tababbarka uu muhiim u ahaa in saraakiisha la dhexgaliyo, iyadoo la eegayo doorarkooda muhiimka u ah taageeridda hawlgallada militari ee Hawlgalka.

“Waxaan idinku boorrinayaa in aad ku dhaqantaan qiyamka xirfadeed, shaqo kooxeed, iyo daacadnimo. Xusuusnow, doorkaaga kaliya ma ahan qabashada hawlaha, laakiinse sidoo kale waa ilaalinta jaangooyada anshaxa ee ugu sarreeya,” ayuu yiri Sarreeye Gaas Ngendabanka.

“ATMIS waa hawlgal dhinacyo badan leh oo ka wada hawlgallo adag deegaan isbedbeddalaya, sidaa darteed waayo-aragnimadiinna iyo xukunkiinnba waxay fure u noqon doonaan taageeridda hawlgalladeenna,” ayuu hadalkiisa ku darey.

Xafladii xiritaanka ee dhacday maalintii Jimcaha, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka ATMIS ee ka Mas’uulka ah Taageerada iyo Loojistiga, Sarreeye Gaas Peter Kimani Muteti, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in tababarku uu siiyay saraakiisha aqoonta iyo xirfadaha loo baahan yahay si ay si taabogal ah u fahmaan Hawlgalka iyo mas’uuliyadda ka saaran horumarinta waajibaadka Hawlgalka.

“Waa muhiin xaqiijinta in waajibaadka ATMIS iyo hawlgalka ku xigaba in ay horey loo sii wado iyadoo yoolka kama dambeysta ah uu yahay in nabad iyo xasillooni lagu soo dabaalo Soomaaliya iyo goboka Geeska Afrika,” ayuu yiri Sarreeye Gaas Muteti.

“Waxaan aaminsanahay in aad haysataan aqoon iyo agabba oo marka hawlgal la idingeeyo, waxaad diyaar u tihiin in aad wax ku biirrisaan waajibaadka,” ayuu sharxay.

Saraakiishu waxay qireen muhiimadda uu tababbarka u leeyahay in waajibaadkoodu ay si wax-ku-ool ah u gutaan.

“Tababarka wuxuu bixiyay aqoon faahfaahsan, oo muddo dheer naga caawin doonta in aan si wax-ku-ool ah u shaqeyno waanna ka mahadcelinaynaa,” ayuu yiri G. Sar Dismas Hakizimana, Taliye Ku-xigeenka guutada Burundi ee ATMIS, oo meesha ka hadlay isagoo ka wakiil ah ka-qaybgalayaasha.

Mowduucyada lagu qaatay tababarka indho-furka ahaa waxaa ka mid ahaa qaab-dhismeedka iyo waajibaadka ATMIS, Habraacyada Hawlgalka Jaango’an, oo uu ku jiro Xeerka iyo Awaamiirta Gudaha Ciidanka, Sharciga Iskudhaca Hubeysan iyo Ilaalinta Carruurta, iskaashiga militariga-madaniga, habdhaqanka iyo anshaxa saraakiisha iyo ka hortagga xadgudubka jinisga iyo dhiigmiirashada.

Ka-qaybgalayaasha ayaa sidoo kale loo tababaray ka-warbixinta iyo raadraaca khasaaraha, diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed, amniga tiknoolajiyadda war-isgaarsiinta iyo macluumaadka (ICT) iyo wacyigelinta khatarta waxyaabaha qarxa.

Saraakiisha militariga ATMIS waxay talo khubarro siiyaan Xarunta-Dhexe ee Ciidanka ee waxyaabaha ay ku takhasuseen, oo ay ku jiraan sirdoonka, loojistiga, qorsheynta, hawlgallada iyo iskuduwidda.

Tababarka indho-furka qasabka ah waxaa loogu talagalay in uu saraakiisha ku qalabeeya aqoonta iyo xirfadaha lagama maarmaanka ah si ay u gutaan waajibaadkooda iyo la socoshada habraacyada hawlgalka jaango’an (SOPs) ee Hawlgalka. Waxay xaqiijinaysaa saraakiisha in ay fahmaan deegaanka shaqo, caqabadaha la filayo iyo tallaabooyinka khafiifinta.

You may also like