Home » ATMIS oo Saldhiga Militeriga Magaalada Jowhar Ku Wareejisay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed

ATMIS oo Saldhiga Militeriga Magaalada Jowhar Ku Wareejisay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed

by Alex Kithumbu

Jowhar, 21 Juun 2024 – Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa maalintii Khamiista ahayd Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed (CQS) ku wareejiyay gacan ku haynta Saldhiga Furiimaha Hore ee magaalada Jowhar. Waa saldhigii labaad ee la wareejiyo Wajiga Saddexaad ee dhimista ciidamada.

Saldhigan oo ku yaalla gobolka istiraatiijiga ah ee Shabeellaha Dhexe, waa saldhiga magaalada Jowhar waxaanna gacanta ku hayay taliska Ciidamada Difaaca Qaranka ee Burundi (BNDF) tan iyo 2014. Saldhigan, oo ay ka mid yihiin saldhigyada militeriga Horseed, Baarlamaanka, iyo Madaxtooyada, waa soohdin lagu ilaaliyo Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Baarlamaanka iyo bulshada degaanka.

Xarunta waxay sidoo kale muhiim u tahay sugidda amniga Waddada Weyn Ay Sahaydu marto ee u dhaxeysa Muqdisho-Jowhar, galbinta iyo sugidda amniga madaxda, iyo caawinta hay’adaha arrimaha bani’aadamnimada ka shaqeeya ee gobolka.

Taliyaha Qaybta Shanaad ee ATMIS, Gaashaanle Oscar Hatugimana oo ka hadlay munaasabadii wareejinta ayaa yiri “Wareejintan waxay muujinaysaa horumarka iyo sida ay Soomaaliya ugu go’an tahay dib-u-dhista dalkeeda. Idinka ayaan idinku halleynaynaa in aad ilaalisaan shacabka, sugtaan amniga iyo nabadda degaamada gacantiina ku jira, iyo ilaalinta guulahii sida adkayd lagu gaarey.”

“Waxaan kalsooni buuxda ku qabnaa dhiggeenna Soomaaliyeed. Waxaan aragnay iyagoo ku guulaysanaya in ay weerar ku qaadaan, qabsadaan, oo ay sii haystaan dhul. Tani waxay farriin cad u direysaa kooxaha argagaxisada ah in maalmahoodu ay tirsan yihiin. Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo si xirfadeed u tababaran oo si fiicanna u qalabeysan ayaa run ahaantii wax ka beddelaya la-dagaalanka argagaxisada Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku darey.

Gaashaanle Suleyman Ibraahim, oo metalaya Taliye Ku-xigeenka ATMIS ee ka mas’uulka ah Taageerada iyo Loojistika, ayaa yiri, “Munaasabadda waa munaasabad weyn maadaama ay muujinayso sida ay uga go’an tahay iyo kartida Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed in ay la wareegaan mas’uuliyadaha amniga iyadoo ATMIS ay taageero bixinayso.”

Madaxa Unugga Qorsheynta Kala-guurka ee UNSOS, Patrick Duah, ayaa hoosta ka xariiqay doorka muhiimka ah ee UNSOS ay ku leedahay kobcinta hannaanka kala-guurka iyadoo la dhisayo kartida lana siinaya taageero lojistik Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo ATMIS.

“UNSOS waxay 30 farsamo-yaqaanno oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed u tababartey hawlgelinta iyo gacan ku haynta qalabka aan halkan maanta ku wareejinayno. Qalabka ay QM leedahay ee aan tabarucayno waxaa ka mid ah matooro, haamo kayd, warshado lagu daaweeyo biyaha, qaboojiyayaal, ceel-riigyo, iyo soolaro,” ayuu yiri Patrick Duah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Qaranka Soomaaliyeed ee gobolka Shabeellaha Dhexe, Sarreeye Guuto Ibraahim Yuusuf Nuur, ayaa ATMIS ku ammaanay kaalinta wax-ku-oolka ah ee ay ka qaateen burburinta Al-Shabaab wuxuunna dib mar kale u xaqiijiyay sida Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay ku guulaystaan hanashada xasilloonida gobolka.

“Waxaan hubaa in Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee la wareegaya saldhiga in ay ku guulaysan doonaan gudashada mas’uuliyadahooda. Ma jiri doonnaan wax dal-daloolo ah. Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed waxay la wareegi doonnaan sugidda amniga gobolka,” ayuu yiri Sarreeye Guuto Nuur.

Wasiirka Maaliyadda Dowlad-goboleedka, Cabdiraxmaan Ciise Dadow, oo ka wakiil ahaa Madaxweynaha Dowlad-goboleedka, ayaa xaqiijiyay sida ay dowlad-goboleedka ugu go’an tahay in ay gacan ka siiyaan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed sugidda amniga qaranka.

Ciidan dhimistu waxay waafaqsan tahay Qaraarrada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee tirsigoodu yahay 2628 (2022), 2710 (2023), iyo 2719 (2023), kuwaas oo ATMIS ku waajibinaya in ay mas’uuliyadaha amniga ku wareejsio Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida lagu qeexay Fikradda Hawlgallada Wadajirka ah (CONOPs) iyo Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya.

You may also like