Home » Madaxa ATMIS ayaa Mar Labaad Xaqiijiyay Habsami u Socodka Wareejinta Mas’uuliyadaha Amniga Isagoo Ku Guda Jira Booqasho uu Ku Tagey Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle

Madaxa ATMIS ayaa Mar Labaad Xaqiijiyay Habsami u Socodka Wareejinta Mas’uuliyadaha Amniga Isagoo Ku Guda Jira Booqasho uu Ku Tagey Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle

by Alex Kithumbu

Jowhar, 15 Juun 2024 – Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa booqasho ku tagey dowlad-goboleedka Hirshabeelle si uu dib ugu xaqiijiyo shacabka Soomaaliyeed in dhimista ciidamada ATMIS aysan keeni doonin in amniga uu gacanta ka baxo.

“Midowga Afrika kagama tagi doonno Soomaaliya meel cidlo ah. Xitaa haddii ciidamada ATMIS la dhimo, waxaan xaqiijin doonnaa in aminga uusan gacanta ka bixin. Kala-guurka waxaa si wanaagsan isugu dubaridi doonna Dowlad-goboleedyada, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, saaxiibada caalamiga ah iyo Midowga Afrika,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah maalintii Jimcaha ka-dib markii booqasho laba-maalmood ah uu ku tagey magaalada Jowhar.

Isagoo ay safarkiisa ku wehliyaan mas’uuliyiin sare oo ka tirsan ATMIS, oo ay ku jiraan Taliye Ku-xigeenka Ciidamada ee Hawlgallada iyo Qorshayaasha, Sarreeye Gaas Marius Ngendabanka iyo Taliyaha Ciidamada Booliska, Hillary Sao Kanu, ayaa Madaxa ATMIS wuxuu la kulmay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen; Duqa Magaalada Jowhar Cusmaan Maxamed Mukhtaar Baarey iyo wakiilo ka socday ururrada bulshada rayidka ah. Wuxuu sidoo kale booqday Saldhigyada Furiimaha Hore ee Xawaadley iyo Horseed ee Qaybta Shanaad, oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Buruundi ee ATMIS.

“Waxaan u nimid in aan qiimeyno shaqada guutadeenna, oo qof walba oo aan la kulanayna wuxuu ammaanay guutadeenna, oo ay ku jiraan Madaxweynaha, wakiillada bulshada rayidka ah, odayaasha iyo mas’uuliyiinta maamulka maxalliga ah. Waxay xuseen ballanqaadka, waayo-aragnimada iyo u diyaarsanaanta guutadeenna in ay taageerto oo ay gacan ka geysato Iskaashiga Madaniga-Militeriga (CIMIC) iyo amniga,” ayuu hadalkiisa ku darey SRCC.

Booqashadu waxay qayb ka ahayd safarka uu Wakiilka Gaarka ah ku tagey Dowad-goboleedka si uu u qiimeeyo u-diyaarsanaanta hawlgalka, wanaagga iyo mooraalka ciidamada, iyadoo loo diyaar-garoobaya hawlgalka uu hoggaaminayo Midowga Afrika ee ka-dib bixintaanka ATMIS.

Danjire Souef ayaa ciidamada Burundi ku ammaanay dadaallada ay ugu jiraan la-dagaalanka iyo burburinta Al-Shabaab, isaga oo ugu baaqay in ay muujiyaan taxaddar ooa y si dhow ula shaqeeyaan Ciidamada Amniga Soomaaliya iyo bulshada degaanka.

Sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2710 (2023), ATMIS waxaa ku waajiba in ay la baxdo 4,000 askari wajiga saddexaad ee bixitaanka ciidanka iyo in ay beddelaan Ciidamada Amniga Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda, ATMIS waxay la baxday 5,000 askari waxayna ku wareejisay in ka badan 17 saldhigyo militeri Ciidamada Amniga Soomaaliya intii lagu guda jiray wajiyada koowaad iyo labaad ee dhimista ciimadaha ee sannadkii hore la soo gebogabeeyay.

Sarreeye Gaas Ngendabanka ayaa mar kale ku celiyay sida ay ATMIS uga go’an tahay xoojinta dadaallada nabad-dhisidda ee gobolka iyo la shaqeynta Ciidamada Qaranka Soomaaliya (CQS) si loo sugo amniga Hirshabeelle.

“Waxaan halkan u joognaa in aan Soomaaliya dib ugu soo dabaalno nabad iyo xasillooni, waxaanna sii wadi doonnaa in aan ka shaqeyno sidii aan ku gaari lahayn yoolkan sharafta leh,” ayuu yiri.

Danjire Souef ayaa ammaanay hawlwadeennada Qaramada Midoobay iyo ATMIS ee saldhigoodu yahay Jowhar ballanqaadkooda iyo nafhurnimada ay u muujiyeen geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya.

Wuxuu kalsooni ka muujiyay doorashadii Soomaaliya dhowaan loogu doortay ka mid noqoshada Golaha Ammaanka ee QM, ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika iyo ka qaadistii cunaqabeynta hubka in ay yihiin astaamo u wanaagsan mustaqbalka dalka iyo qaaradda oo dhan.

You may also like