Home » ATMIS oo Taageero Dheeraad Ah Siinaysa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

ATMIS oo Taageero Dheeraad Ah Siinaysa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

by Alex Kithumbu

Kismaayo – Taliyaha Booliska Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Hillary Sao Kano, ayaa muujisay sida ay ugu qanacsan tahay mashaariicda tababarka iyo towjiihinta ee socda ee loogu talagalay saraakiisha booliska Soomaaliyeed ee Dowlad-goboleedka Jubaland.

Iyadoo lagu guda jiro booqasho ay maalintii Isniinta ku tagtey Kismaayo, ayay Taliyaya Ciidanka Booliska Kanu ka hadashey tababarka iyo towjiihinta ay bixiyeen saraakiisha booliska ATMIS, iyadoo carabka ku adkeysay muhiimadda ay u leeyihiin u diyaarinta Ciidamada Amniga Soomaaliya in ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadaha amniga.

“Waxaan bixinay tababar ballaaran oo ku saabsan waxyaabaha sida faro-qaadista, booliseynta bulshada iyo maareynta gaadiidka waxaanna rajeynaynaa in tababar dheeraad ah siino dhigeenna Soomaaliyeed,” ayay tiri Taliye Kano.

Iyadoo hoggaaminaysa wafdi ka socda xarunta-dhexe ee ATMIS ee Muqdisho, ayay taliye Kanu qiimeysay horumarka laga gaaray dhismaha kartida Ciidanka Booliska Jubaland.

ATMIS waxay Saraakiisha Booliska Gaarka ah iyo Unugyada Booliska Hawlaha Gaarka ah Loo Sameeyay  geysay Dowlad-goboleedka Jubaland si loogu fidiyo tababar, towjiihin, iyo in ay hawlgallada ka taageeraan ciidamada amniga ee degaanka.

Taliye Kanu ayaa saraakiisha booliska, militeriga iyo Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ugu mahadcelisay taageeradooda iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta waajibaadka Hawlaglka ee koonfurta Soomaaliya.

“Waxaan u mahadcelinayaa saraakiisheyda booliska ee Kismaayo ku sugan, iyo ciidamada militeriga ee kala shaqeynayay taageeridda Ciidamada Amniga Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si ay u xasiliyaan oo ay u sugaan amniga gobolka,” ayay tiri Taliye Kanu.

Waxay sidoo kale Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ugu mahadnaqday bixinta taageerada loojistiga ee lagama maarmaanka ah in qaybta booliska ay si hufan u gutaan waajibaadkooda.

 

You may also like