Home » Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa booqday Ceel-jaale si uu ugu kuurgalo xaaladda amniga iyo hawlgal u-diyaarsanaanta ciidanka

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa booqday Ceel-jaale si uu ugu kuurgalo xaaladda amniga iyo hawlgal u-diyaarsanaanta ciidanka

by Alex Kithumbu

Ceel Jaale, 2-da Juun 2024 – Isaga oo sii wata booqashooyinkii uu ku tagayey saldhigyada, Madaxa Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa maalintii Jimcaha wuxuu booqday Saldhiga Furiimaha hore (FOB) Ceel Jaale ee gobolka Shabeellaha Hoose si uu ugu kuurgalo xaaladda amniga iyo hawlgal u diyaarsanaanta ciidamada Midowga Afrika.

Danjire Souef oo ay safarkiisa ku wehliyaan Taliyaha Ciidamada Militeriga ATMIS iyo madax kale oo ka tirsan ATMIS, ayaa la kulmay ciidamada, taliyayaashooda, iyo xubnaha bulshada degaanka wuxuunna xariga ka jaray adeeg caafimaad lacag la’aan ah oo ay soo abaabuleen ciidamada Uganda ee ATMIS oo kaashanaya hay’adda Bancroft Global Development.

Wuxuu bulshada ugu mahadnaqay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan ATMIS iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed (CQS) wuxuunna kula dardaarmey in ay la shaqeeyaan laamaha amniga si loo xaqiijiyo xasiloonida gobolka.

“Waxaan idin kula dardaarmayaa in aad sii wadaan taageerada aad siisaan ciidamada ATMIS iyo sidoo kale in aad si dhow ula shaqeysaan hay’adaha amniga idinkoo la wadaagaya xog lagu kalsoonaan karo si ay noogu suurageliso in sugno amnigiinna oo aan idin ilaalino,” ayuu yiri Danjire Souef.

Taliyaha Ciidamada Militeriga ATMIS, Sarreeye Guuto Kindu Gezu, ayaa sii sharxay in “booqashada sidoo kale uu ujeedkeedu ahaa in loo kuuragalo xaaladda amniga degaanka, iyo ladnaanta ciidamada saldhiga (FOBs)”.

Taliyaha Qaybta Koowaad ee ATMIS, Sarreeye Guuto Anthony Lukwago Mbuusi, ayaa bulshada degaanka ugu mahadceliyay xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin ciidamada, iyo in ay gacan ka geystaan nabadda iyo amniga degaanka.

“Waxaan ku ammaanaynaa bulshada degaanka xiriirka ay la leeyihiin ciimada iyo sida ay u taageeraan ciidamadeenna. Waxaan sii wadi doonnaa in aan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka ka taageerno dagaalka ka dhanka ah argagaxisada,” ayuu yiri Sarreeye Guuto Mbuusi.

Taliyaha Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee degamada Ceel Jaale, Dhamme Cusmaan Ibraahim, ayaa ka codsaday in la sii wado taageerada ATMIS ee ku aaddan adeegyada aasaasiga ah ee bulshada deegaanka, maadaama ay Shabaabku ku kalifeen in ay guryahoodu ka soo barakacaan.

“Bulshada waxaa haysta dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin helidda daryeel caafimaad oo tayo leh, gaar ahaan haweenka uurka leh. Caqabado amni darteed uma safri karaan magaalada muqdisho si ay u helaan daryeel caafimaad. Waa halis. Waxaan idinka codsaneynaa in aad naga caawisaan in diyaarad noogu qaadaan bukaannada iyo kuwa dhaawaca ah,” ayuu yiri taliyaha CQS.

Dadka degaanka ee helay adeegga caafimaad ee lacag la’aanta ah ayaa ATMIS ugu mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay ka helaan hawlaha Iskaashiga-Militiriga-Madaniga. Waxaa laga daaweeyay xaalado caafimaad oo kala duwan, oo ay ka mid yihiin cudurka duumada, shubanka, caabuqyada ku dhaca cunaha iyo neef-mareenka, iyo cudurrada kala duwan ee maqaarka.

“Waxaan xiriir saaxiibtanimo iyo mid xirfadeedba la leenahay ATMIS. Waxay ina siiyaan taageero caafimaad, waxbarasho, iyo adeegyo kale intii karaankooda ah mar kasta oo ay suuragal tahay. Ceel Jaale waa meel ammaan ah waxaanna sabab u ah iskaashiga u dhaxeeya Ciidamada Amniga Soomaaliyed iyo ATMIS,” ayuu yiri Madaxa Ceel Jaale, Sheekh Yuusuf Cusmaan Cali.

Ceel-Jaale, oo ku taalla koonfurta magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaa amnigeeda gacanta ku haya ciidamada Uganda ee ATMIS iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed (CQS).

 

You may also like