Home » Askarta Burundi oo lagu maamusay geesinimada iyo sida ay ugu heellan yihiin hawlgalka ATMIS ee Soomaaliya

Askarta Burundi oo lagu maamusay geesinimada iyo sida ay ugu heellan yihiin hawlgalka ATMIS ee Soomaaliya

by Alex Kithumbu

Jowhar, 19-ka Maajo 2024 – Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo Sabtidii la soo dhaafay ka dhacday Garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar ee xarunta Maamul-goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu maamuusay Ciidamada Difaaca Qaranka Burundi (BNDF) ee qaybta ka ah Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Munaasabadan oo ay ka soo qayb-galeen Mas’uulka Gobolka u qaabilsan Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) Gagan Banjara iyo Mas’uuliyiin Sarsare oo ka tirsan ATMIS iyo QM ayaa waxaa guddoominayay Taliyaha Qaybta Shanaad ee ATMIS G/Sare Oscar Hatungimana.

Guutada baxaysa ee Ciidamada Burundi ka tirsan, ee waqtigoodii hawlgalka ee halka-sano ahaa dhammeystay, ayaa lagu maamusay dadaalkooda iyo wax-ka-qabashada waajibaadka hawlgalka ATMIS, oo ay ku jiraan hawlgallo ay si wadajir ah ula soo fuliyeen ciidamada ammaanka Soomaaliya si looga adkaado Al-Shabaab, sugidda xarumaha dadweynaha iyo Waddooyinka ay Sahayda soo marka ee ugu muhiimsan (MSRs) ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

G/Sare Hatungimana ayaa ciidamada ku ammaanay sida ay ugu heellan yihiin in ay Soomaaliya ka dhaliyaan nabad iyo xasilooni.

“Saraakiishan ayaa si geesinimo leh u shaqeeyay waxayna si hufan u guteen waajibaadkooda shaqo. Waxaan ku ammaanayaa geesinnimada, edebta, iyo adeegga ku dayashada leh ee ay u hayeen ATMIS iyo dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri G/Sare Hatungimana.

Wuxuu soo dhaweeyay ciidamada cusub ee beddelaya, wuxuunna kula dar-daarmay in ay meeshoodii ka sii wadaan dhaxalka guutadii hore.

“Waxaan soo dhaweynaynaa kuwa hawsha la wareegaya waxaanna ugu qaabeynaa in ay hufnaan muujiyaan. Waxaad mas’uul ka tihiin in ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ku taageertaan in ay si wax-ku-ool ah ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalkooda,” ayuu yiri G/Sare Hatungimana.

Mas’uulka Gobolka u qaabilsan UNSOS, Gagan Banjara, oo metelaya QM, ayaa ku ammaanay ciidamada Burundi ee hawlgalka ka tagaya sida wanaagsan ee ay ugu adeegeen hawlgallada taageerada nabadda iyo sida ay u sugeen ammaanka hay’adaha samafalka.

“Ciidamada Burundi ee ka tirsan hawlgalka ATMIS ayaa waxay shaqo lagu ammaani karo ka qabtey Goobta ay Mas’uulka ka yihiin/Area of Responsibility (AoR). Waxaan ku bogaadinaynaa geesinimadooda, dadaalkooda, iyo xirfadlenimada ay ku muujiyeen gudashada waajibaadkooda ee gobolkan. Kooxda Qaramada Midoobay waxay uga mahadcelinaysaa iyaga iyo hoggaankoodaba shaqada wanaagsan ee ay ka qabteen taageerada hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee samafalka ka shaqeeya,” ayuu yiri Mr. Banjara.

Ciidamada BNDF ee dalka ka baxaya ayaa waxaa Soomaaliya hawlgalka loo keenay bishii Maajo 2023.

You may also like