Home » AU Special Representative visits ATMIS personnel admitted in Nairobi hospitals

WAKIILKA GAARKA AH EE MIDOWGA AFRIKA AYAA BOOQDAY HAWLWADEENNADA ATMIS EE KU JIRA CUSBITAALLADA NAYROOBI

by Alex Kithumbu

Nayroobi, 11-ka Febraayo 2024 –Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u Qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa booqday hawlwadeennada ATMIS ee ku jira cusbitaallada kala duwan ee Nayroobi, Kenya.

Ujeeddada booqashada laga lahaa waxay ahayd in kor loogu qaado niyadda hawlwadeennada ATMIS ee laga soo daad-gureeyay goobaha uu hawlgalka ka socdo ee Soomaaliya, kuwaas oo la keenay isbitaalada Kenya si ay u helaan daaweyn iyo daryeel takhasus u leh xaaladaha caafimaadka kala duwan.

Danjire Souef waxaa booqashada ku wehliyay Kornayl Dr Benard Mukuria, oo ah Sarkaalka Isku-xira Militeriga ATMIS ahna Isuduwaha Daryeelka ee Kenya.

Madaxa ATMIS ayaa la sheekaystay shaqaalaha caafimaadka ee daryeelaya hawlwadeennada ATMIS waxayna la wadaageen qiimeyntooda xaaladaha caafimaad ee bukaannada.

“Bukaannadu waxay ku sugan yihiin xaalad xasilloon. Waxaan la sheekaysaney dhakhaatiirta caafimaadka ee daryeelaysa. Bukaannada laf-ahaantoodu waxay ku faraxsan yihiin daaweynta qaarna isbitaallada ayaa durbaba laga saarey,” ayuu yiri Danjire Souef.

Wuxuu hadalkiisa ku daray, “Waxaan farriin taageero ah uga sidnaa hoggaanka hawlgalka ATMIS iyo hoggaanka Midowga Afrika. Waxaan qaddarinaynaa shaqada wanaagsan ee ay ka qabanayaan hawlgalka gaar ahaan taageerada ay u fidiyaan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya si ay uga guuleystaan Al-Shabaab.”

Kornayl Dr Mukuria wuxuu sheegay in bukaannada ay helaan daaweynta iyo daryeelka ugu wanaagsan oo ay bixiyeen xirfadlayaal caafimaad oo aqoon durugsan u leh waxaanna la qorsheeyay in isbitaalka laga saaro.

“Waxaan dhammaan u rajeynayaa wanaag. Aad iyo aad ayaan ugu faanaa. Waxay xaqiijinayaan in uu gobolka nabad noqdo, in ay soomaaliya nabad hesho iyo in caalamka intiisa kale uu nabad helo. Waxaan Alle ka baryaynaa in uu awood siiyo oo uu barakeeyo iyo in uu qoysaskoodu ammaan siiyo.” Ayuu yiri Kornayl Dr Mukuria.

You may also like