Muqdisho, 26 Jannaayo 2024 – Afartan iyo shan sarkaal oo ka tirsan ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa looga mahad celiyey doorkooda muuqda ee ay ka qaateen dhisida nabadda iyo amniga Soomaaliya.
Saraakiishan oo dhameystay muddo 18 bilood ah oo ay ku guda jireen howlahooda shaqo ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa laguddoonsiiyay billado iyo shahaado sharafyo ay Midowga Afrika ku maamuuseen, waxaana gudoonsiiyey ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mohamed El-Amine Souef.
Taliyaha ciidamada ATMIS, Sar. G. Sam Okiding, taliye ku xigeenka dhanka saadka iyo qorshayaasha Sar.G. Peter Kimani Muteti iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada ayaa ka qeyb galay munaasabada oo ka dhacday xarunta sare ee ATMIS ee magaalada Muqdisho.
“hawlaha aad qabateen intii aad la shaqayneyseen ATMIS waxay ahaayeen kuwo Muhiim ah oo horumarinayo ujeedooyinkayaga. Waxaad door muhiim ah ka ciyaartay in si guul leh loo soo dhameeyo dhimista 5000 oo askari oo ATMIS ah oo lakala fuliyey wajiga koowaad iyo kii labaad,” ayuu yiri Danjire Souef oo hadal ujeediyay saraakiisha.
Waxa uu u mahad celiyay saraakiishii Shaqada ka tagaysey sida ay u muujiyeen aqoontooda. Kartidooda, iyo sida hagar la’aanta ah oo ay ooga soobaxeen doorarkooda kala duwan.
“Waxaad sidoo kale la-talin iyo taageero muhiim ah siiseen Ciidamada Ammaanka Soomaaliya, waxaadna ka qeyb qaadateen guulaha ay ka gaareen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Waxaan aad ugu mahadcelineynaa kaalintiina nabadda iyo amniga Soomaaliya,” ayuu raaciyay.
Sar. G Okiding ayaa kula dardaarmay saraakiisha Shaqada ka dhamaatey inay sii wadaan taageerada howlgalka xitaa marka ay dib ugu laabtaan dalalkooda ayna ka faa’ideystaan khibradaha ay ka heleen Soomaaliya si ay u kobciyaan nabadda iyo amniga caalamka.
“Hadda oo aad dalalkiina hooyo aadeysaan, waxaan idinku boorinayaa inaad hawlgalka unoqotaan safiiro wanagsan. Xiriirka aad halkan ku sameysateen yuusan noqon mid luma ee aan isku xidhnaano,” ayuu u sheegay saraakiisha ka hoos shaqaynaysay ee joogtey xarunta sare ee hawlgalka ciidanka ATMIS.
Saraakiishan Sarsare ayaa ka kala socda dalalka Benin, Djibouti, Ethiopia, Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda, Zambia, iyo Zimbabwe.
“Saraakiishan aad ayaa loogu mahadceliyey sababtoo ah kartidooda-xirfadeysan iyo xirfad-yaqaannimadooda, waxay u guteen waajibaadkooda iyagoo si weyn ugu heellan guusha howlgalka,” ayuu yiri Sar. G. Kindu Gezu, oo ah madaxa ciidamada ee ATMIS.
Saraakiisha ciidamada ATMIS talooyin iyo khibrado siiyey Taliyaha Ciidanka ATMIS talooyinkaa oo ku saleysnaa Takhasusaadkooda kala duwan sida sirdoonka, saadka, qorshaynta, hawlgallada, iyo isku dubaridka ku wajahan fulinta waajibaadka howlgalka.