Home » ATMIS OO MARTIGELISAY TARTAN CIYAAR KUBADDA CAGTA AH OO KA DHACAY JOWHAR

ATMIS OO MARTIGELISAY TARTAN CIYAAR KUBADDA CAGTA AH OO KA DHACAY JOWHAR

by Alex Kithumbu

Jowhar, 4 Jannaayo 2024 – Isaaq Axmed Xuseen oo ah kabtanka Kooxda Kubadda Cagta ee Barakacayaasha ee Towfiiq ayaa rajo wanaagsan ka lahaa tartanka ciyaarta kubadda cagta ay kula tartamayeen ciidamada Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ee ku sugan magaaldaa Jowhar ee caasimadda u ah Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Ciyaar kubadda cagta ahayd oo shan sano ka hor dhexmartey labada kooxood ayaa ku dhammaatey barbardhac aan cidina gool dhalin. 

Markanna, inkasta oo weerarro aan kala joogsi lahayn kooxiba ay ku qaadeysey goolka kooxda kale taas oo xiiso hor leh sii gelisey taageerayaasha labada kooxood, haddana 90-kii daqiiqo ee ciyaartu socotey markanna waxay ku dhamaatey barbardhac aan wax gool ah la iska dhalin.

Inkasta oo aan wax gool ah la kala dhalin haddana Xuseen waxaa uu muujiyey in uu ku faraxsan yahay natiijada ciyaarta. 

“Waxaan dhowr jeer ciyaar saaxiibnimo ah la yeelaney ciidamada BNDF, waxaana ku faraxsanahay in aan ka qaybgalno waxqabadyo kuwaa la mid ah si loo sii wanaajiyo iskaashiga ka dhexeeya rayidka iyo mileteriga,” ayaa uu yiri Xuseen. 

Waxaa uu amaaney khadadka difaaca ee xooggan ee labada kooxood, taas oo adkeysey in ay weeraryahannadu ay kubadda taabsiiyaan shabaqa, taas oo laga yaabo in uu ugu qiilsameynayey natiijidii is-barbardhaca ah ee caddaaladda ku dhisneyd. 

Guddoomiye-ku-xigeenka Xerada Barakacayaasha ee Towfiiq, Cabdiqaadir Aadan Xaaji, ahaana maareeyaha kooxda ayaa sidoo kale ku raacay dareenka uu muujiyey kabtanka oo ciyaartoyda ku amaanney xirfadahooda cajiibka ah iyo ciyaarahannimada ay muujiyeen intii ay ciyaartu socotey. 

“Sanadkii 2018, kulan kan la mid ah ayaan yeelaney waxaana uu ku dhammaadey barbar-dhac. Maanta, labada kooxoodba waa ay dadaaleen haddana mar kale barbar-dhac ayaa ay ku dhammaatey. Waxaan ku faraxsanahay in aan wadaagney  soo-dhoweyntan annaga oo u dabaaldegeyna sanadka cusub ee 2024,” ayaa uu yiri Cabdiqaadir. 

Gaashaanle Michael Ndikuriyo, oo ah sarkaalka Ku-xigeenka u ah Iskaashiga Madaniga-Mileteriga ee ATMIS Deputy Civil-Military Cooperation (CIMIC) ee Sektarka Shanaad, ayaa labada kooxoodba ku amaaney ka-soo-qaybgalka tartanka, isaga oo carrabka ku adkeeyey in tani ay ka-qaybqaadaneyso sii-wanaajinta xiriirka u dhexeeeya ciidamada Midowga Afrika iyo bulshooyinka degaanka. 

“Sida aad ogsoon tihiinba, ujeeddadeenu waa in aan khafiifinno silica haysta dadka inta ay socoto colaad ama ka dib marka ay dhammaato. Si aan taas u gaarno, waa in aan abuurnaa oo aan joogteynaa xiriirro wanaagsan oo dhex mara bulshada iyo ATMIS,” ayaa uu yiri Gaashaanle Ndikuriyo. 

Waxaa uu intaas ku darey in ciyaarta looga danlahaa in lagu adkeeyo xiriirka shaqo ee wanaagsan ee u dhexeeya mileteriga iyo bulshada inta ay hawlgalladooda maalmeed ee mileteri ka wadaan gobolka Shabeellaha Dhexe. 

Sida ay sheegeen saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Qaranka ee Burundi, ujeeddada tartanku waxaa uu ahaa in la kobciyo xiriir xooggan oo dhex mara ciidamada ATMIS iyo bulshada degaanka, iyada oo isla waqtigaasna la dhiirrigelinayo isboortiga oo ah aalad loo adeegsado xallinta colaadda. 

Dhacdada ayaa lala beegsadey barakacayasha deggan Xerada Towfiiq, ee guryahoodii asalka ahaa ay ka soo barakaciyeen fatahaadihii ka dhashay El Nino. 

Isboortigu waxaa uu door muhiim ah ka yahay hawlgallada nabad-ilaalinta isaga oo aan keliya kobcineynin mowhibada oo aan keliya dhiirrigelineynin anshaxa ee sidoo xoojinayo xiriirro wanaagsan oo dhex mara ciidamada bulshada. 

Tartanka oo ay ka soo qaybgaleen saraakiil kala duwan oo ka socdey ATMIS ayaa muujiyey ciyaar adag oo dhex martey Xerada Barakayaasha Towfiiq iyo ciidamada BNDF. 

You may also like