Home » ATMIS OO SHEEGTEY IN ARRIMAHA MUDNAANTA UGU SARREYSA U LEH SANADKA CUSUB AY YIHIIN BURBURINTA AL-SHABAAB IYO KOR-U-QAADISTA AWOODDA CIIDANKA AMNIGA SOOMAALIYEED

ATMIS OO SHEEGTEY IN ARRIMAHA MUDNAANTA UGU SARREYSA U LEH SANADKA CUSUB AY YIHIIN BURBURINTA AL-SHABAAB IYO KOR-U-QAADISTA AWOODDA CIIDANKA AMNIGA SOOMAALIYEED

by Alex Kithumbu

Muqdisho – Burburinta Al Shabaab iyo kor-u-qaadista awoodda Ciidamada Amniga Soomaaliyeed (SSF) ayaa ah arrimaha mudnaanta ugu sarreysa u leh Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) sanadka 2024ka. 

Ballanqaadyadan Sanadka Cusub ayaa waxaa ay ku jireen farriimihii dhammaadka sanadka ee ay kala direen Taliyaha Ciidanka ATMIS – Sarreeye Guud Sam Okiding iyo Taliyaha Booliska ATMIS, CP Hillary Sao Kanu. 

“Hawsheenna aasaasiga ah sanadka cusub waxa ay noqon doontaa burburinta Al Shabaab. Waa in Al Shabaab la jebiyaa si ay dadka Soomaaliyeed ugu noolaadaan nabad iyo is-faham,” Taliyaha Ciidanka ATMIS ayaa sidaa ku dhawaaqey. 

Si loo xaqiijiyo ahdaaftan, waxaa Muqdisho lagu qaban doonaa shir ay isugu imanayaan dhammaan taliyayaasha sektarrada (qaybaha) ee ATMIS si loo sii turxaan-bixiyo Aragtida Hawlgallada/Concept of Operations (CONOPS) ee hadda jirta si qaab taabogal ah loogu wajaho dagaalka dhuumaaleysiga ah (asymmetrical warfare) ee ay Al Shabaab waddo. 

Taliyaha Booliska ayaa sheegtey in qaybta booliska ay diiradda saareyso in ay xirfado takhasusi ah ay barto Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayna sii wanaajiso dadaallada ay bulshadu salka u tahay. 

“Sanadka cusub dhexdiisa, waxaanu sii hagaajin doonnaa tababarkeenna la xiriira hawlaha booliska ee ay qabtaan bulshada, xirfadaha dembi-baarista, la-dagaallanka dembiyada maaliyadeed, been-xalaaleynta (dhaqidda) lacagta, tahriibinta iyo maareynta nidaamka iyo kala-dambeynta guud,” ayaa ay tiri CP Kanu. 

Waxaa ay xustey in ka-qaybgelint bulshadu ee hawsha booliska ay ku guuleysatey xoojinta iskaashiga u dhexeeya ciidamada amniga iyo dadka degaanka. Tani waa mid muhiim ah sababta oo ah waxaan u baahannahay in taageero dhammeystiran aan bulshada uga helno dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab,” ayaa ay tiri CP Kanu oo dib-u-eegeysey guulihii la gaarey sanadka 2023ka, Sarreeye Guud Okiding ayaa tilmaamey dhammeystirka 236 hawlgal mileteri, iyada oo boqolkiiba 41 ka mid ah hawlgalladaas ay wada fuliyeen Ciidanka Amniga Soomaaliyeed (SSF).

Waxaa uu xusey in hawgalladu ay muhiim u ahaayeen sugidda amniga magaalooyinka dadka badan ku nool yihiin, ilaalinta waddooyinka waaweyn ee ay sahaydu soo marto, xoreynta magaalooyin iyo tuulooyin muhiim ah sida Farqalaal, Gadaan iyo Keynta Cali Fooldheere iyo gargaarka bani’aadamnimada ee loo qaybinayo bulshooyinka dhibaateysan.

“Waxaa muhiim ah in la xuso in ATMIS ay sidoo kale ay Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF) ay iskaashi kala leedahay in Al Shabaab laga saaro degaannada ay ka mid yihiin Jubbaland, Galmudug, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose,” ayaa uu sii raaciyey Sarreeye Guud Okiding. 

Taliyaha Ciidanka ayaa shaaca ka qaadey in ATMIS ay sii xoojin doonto barnaamijkeeda hagidda xubnaha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA) iyo in ay si joogto ah ay dowladda ugala talin doonto kobcinta awoodda si loo hubiyo adkeysiga ciidamada shaqada looga tago. 

Taliyaha Ciidanka ayaa sidoo kale si gaar ah farta ugu fiiqey sidii guusha lahayd ee loo soo gabagabeeyey wejigii koowaad ee dhimista ciidanka ATMIS ee dhacay bishii Juunyo iyo sii adkeynta guulihii uu xaqiijiyey Hawlkii Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), oo ka horreeyey ATMIS, in ay tahay mid ka mid ah guulihii waaweynaa ee la xaqiijiyey. 

“Guud ahaan sanadka waxaan diiradda saareyney sidii mas’uuliyadihii amniga loogu wareejin lahaa Dowladd Federaalka Soomaaliya waxaana aan ku guuleysanney in aan soo gebogebeyno wejigii koowaad ee dhimista ciidamada ATMIS,” ayaa uu yiri.

Waxqabayada kale ee ay fulisey qaybta mileteriga ah waxaa ka mid ahaa in biyo nadiif ah la gaarsiiyo bulshooyinka degaanka, daryeel caafimaad iyo adeegyo bukaan-socod, gargaar cunto iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha. 

You may also like