Home » Appuyé Par L’ATMIS, L’état De Jubaland Lance Une Campagne D’activisme De 16 Jours

Maamulka Jubaland oo Bilaabay Ol’olaha Dhaqdhaqaaq 16 Maalmood ah Iyagoo Taageero Ka Helaya ATMIS

by Alex Kithumbu

Kismaayo, 26 Noofambar 2023 – Si kor loogu qaado ilaalinta xuquuqda haweenka, maamulka Jubaland oo ay taageerayaan Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa Sabtidii daah-furay 16-ka maalmood ee Dhaqdhaqaaqa ka-hortagga xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha gobolka.

Iyadoo ay soo qaban qaabiyeen kooxda ATMIS ee isku xirka qeybaha rayidka ah iyo maamulka deegaanka ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubaland , waxaana isugu yimid qeybaha kala duwan ee ururada u dooda xuquuqda haweenka.

“Wasaarad ahaan, waxaa naga go’an inaan ciribtirno xad-gudubyada ku saleysan jinsiga iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ee haweenka. Waxaan qaadney talaabooyin wax ku ool ah si aan uyareyno tirada xadgudubyada, sidoo kale wacyigelinteena bulshada ayaa saameyn weyn ku yeelatay,” ayay tiri Cadar Ismaaciil Juraati , wasiiru dowlaha haweenka iyo arrimaha qoyska Jubbaland.

Iyadoo soo xiganaysa gabadh yar oo ay dhibaato ka soo gaadhay guurka qasabka ah ee caruurta, ayaa cadaysay in wasaaradeeda ay ka go’an tahay inay taageerto ilaalinta haweenka iyo hablaha gobolka.

“Waxaan sidoo kale kor u qaadaynaa wacyiga ku saabsan guurka degdega ah iyo gudniinka fircooniga ah (FGM), waxaanan kula talin lahaa aabayaasha inaysan ku qasbin gabdhahooda inay guursadaan waqti hore ka hor intaanay diyaar u ahayn nafsiyan iyo jidh ahaanba,” ayay kula talisay. Daahfurka ayaa sidoo kale ku soo aadey xilli ay hore tabobarro isdaba joog ah iyo wacyigelin kor loogu qaadayay aqoonta mas’uuliyiinta maamulka Jubaland, ciidamada amniga Soomaaliyeed (SSF), ururada bulshada rayidka ah iyo madaxda bulshada oo ay qabteen Hawlgalka ATMIS waaxda Xuquuqul Insaanka iyo Ilaalinta Jinsiga (HRPG).

Halku-dhaga sanadkan waa, “AAN UMIDOWNO! Maalgelinta ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha” waa qayb ka mid ah waajibaadka ATMIS ee dadaallada lagu joojinayo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.

Khubaro iyo wakiilo ka socda  ururada bulshada rayidka ah oo ka shaqeeya arrimaha saameeya haweenka iyo gabdhaha, iyo sidoo kale xubno ka tirsan dadweynihii ka soo qeyb galay daahfurka, ayaa galay doodo looga gol leeyahay in lagu wacyigaliyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

Idiris Xasan Maxamuud Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Jubaland ayaa adkeeyey masuuliyadda lawadaago ee ku Aadan ilaalinta dadka Nugul..

“Ujeedka 16-ka maalmood ee Dhaqdhaqaaqa waa in aan na xasuusino in ay waajib nagu tahay in aan ilaalino sharciga Xuquuqul Insaanka, annagoo si gaar ah diiradda u saarayna difaacidda xuquuqda haweenkeenna iyo gabdhaheenna,” ayuu yiri Maxamuud.

You may also like