Home » Strong ATMIS-Somali leadership collaboration key to stability, says UN ASG for Africa

Wadashaqeynta adag ee Hogaanka ATMIS iyo Madaxda Soomaaliya ayaa kaalin weyn ku leh degenaanshaha ayey tiri Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Afrika

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 11 Noofambar 2023: Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (ASG) ee Afrika ee Waaxda Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dhismaha Nabadda, Martha Ama Akyaa Pobee ayaa boogaadisey wadashaqeynta ka dhaxeysa hawlgalka ku meelgaarka ah ee Midawga Afrika ee Soomaaliya iyo Madaxda Soomaaliya

Munaasabad casho sharaf ah oo loogu sameeyay magaalada Muqdisho, kadib booqashadeeda oo saddex maalmood qaadatay, ayay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (ASG) ee Afrika ku tilmaantay horumar la taaban karo oo dalka ka jira marka loo eego booqashadeedii hore. Waxay carrabka ku adkeysay waqtigii ku habboonaa iyo fahamka booqashadeeda, iyadoo u xaqiijisay ATMIS iyo hoggaamiyeyaasha Soomaalida taageerada joogtada ah ee Qaramada Midoobay.

“Waxaan la laabanayaa qadarin badan. Dalkani wuxuu ku tallaabsaday horumarro waaweyn. Waxaan halkaan joogay dhowr sano ka hor, waxaanan arkaa horumarka jira. Waxaan rabaa in aan idiin caddeeyo in aan idinka helnay fikrado badan oo gashi u ah ururkeena. Taasoo ah in QM yeelato istaraatiijiyad taageero badan leh, oo la jaanqaadeysa baahiyaha dadka Soomaaliyeed,” ayay tiri ASG.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar ayaa ku ammaanay Midowga Afrika iyo saaxiibada caalamka doorka ay ka qaadanayaan horumarka Soomaaliya. Wuxuu qiray in ATMIS, Midawga Yurub, iyo QM ay gacan ka geystaan soo kabashada iyo xasilloonida Soomaaliya.

“Soomaaliya majoogteen meesha ay hada joogto haddii aan dhammaan taageeradiina la helin.  Soomaaliya waxay soo martay waddo dheer,” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha.

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire Souef ayaa Kaaliyaha QM ASG Pobee uga warramay xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya, dhimista ciidamada ATMIS, iyo guud ahaan isbeddelka, oo ay ku jiraan wax ka qabashada arrimaha fatahaadaha ee ay sababeen roobabka El Nino.

“Waxaan kulan wax ku ool ah la yeelanay madaxda UNSOS, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) iyo taliyeyaashayada qaybaha si aan u aragno sida aan wax uga qaban karno fatahaadda ay sababeen roobabka El Nino,” ayuu yiri danjire Souef .

Intii ay ku guda jirtay booqashadeeda, kaaliyaha (ASG) waxa ay wada hadal la yeelatay Ergeyga Gaarka ah iyo Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef , iyo Danjirayaal ka socda Dalalka ATMIS Ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCCs).

Casho sharafta oo ka dhacday Xarunta ATMIS ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar; Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing; ASG iyo madaxa UNSOS, Aisa Kacyira Kirabo; Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho ; Taliyaha Ciidanka ATMIS, Sar. G. Sam Okiding , Taliye Ku-xigeennada Ciidanka, iyo Diblomaasiyiinta.

You may also like