Home » L’ATMIS Fait Un Don D’équipement À La Police Somalienne

ATMIS Oo Agab Ugu Deeqdey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

by Alex Kithumbu

Muqdisho – Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meelgaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa maanta qalab kala duwan ugu deeqay ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF) si kor loogu qaado adeeg bixinta.

Agabkan ay ku deeqeen ciidanka Booliska ee ATMIS ayaa isugu jiray Matooro, qalabka warqadaha lagu daabaco (printers). Qalab wax qoraaleedka xafiisyada (stationery) iyo xargaha waddooyinka ee loo adeegsado isbaarooyinka gaadiidka.

“Waxay u baahan yihiin wax badan oo kuwan oo kale ah si ay ufuliyaan hawl maalmeedkooda. Sidoo kale waa waajib na saaran inaan ka taageerno dhankaas, oo aan u bixino saadka loo baahan yahay si ay gacan uga geysato kor u qaadida howlahooda,” ayey tiri Taliyaha Booliiska ATMIS CP Hillary Sao Kanu ka dib markii ay agabkaas ku wareejiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyagoo ku sugan xarunta ciidanka.

CP Kanu waxey xustey inay socdaan qorshayaal taageero dheeraad ah lagu siinayo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Muqdisho iyo kuwa Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Federaalka, si loo wanaajiyo amniga loona wanaajiyo bixinta adeegyada.

“Waxaan rajeyneynaa inaan bixino taageero kaabayaal oo dheeri ah tusaale ahaan hagaajinta saldhigyada booliiska ee jira iyo sidoo kale inaan hubinno inay leeyihiin saldhigyo booliis meelaha cusub ee la xoreeyay si ay gacan uga geystaan hagaajinta amniga,” ayay tiri.

Madaxa xiriirka booliska soomaaliya iyo ATMIS S/Guuto Maxamed Cabdulle Doore ayaa sheegay in deeqdan ay ka marag kacayso xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Booliska ATMIS iyo booliska soomaaliya.

Agaasimaha booliska soomaaliya ee waaxda saadka, Kabtan Axmed Tahliil Maxamed, ayaa uga mahadceliyey ATMIS hab-dhaqanka wanaagsan ee ay sameeyeen isagoo sheegay in qalabkan uu wax badan ka tari doono hufnaanta.

“Qalabka lagu deeqay ayaa anaga na caawin doona. Waxaa looga baahan yahay shaqadayada maalinlaha ah, haddii ay ahaan lahayd goobta iyo xafiisyadayada,” ayuu yiri Capt. Maxamed.

CP Kanu waxaa ku wehelinayey Isku-Duwaha Hawl-galada Booliska ATMIS, Ku-xigeenka Taliyaha Booliska (DCP) Axmed Lateef, iyo Isku-Duwaha Dib-u-habaynta Booliska ee ATMIS iyo Isku-Duwaha Horumarinta Kaaliyaha Taliyaha Booliska (ACP), John Simon.

You may also like