Home » Taliyaha Ciidamada ATMIS oo Qiimeynaya Hawlgalada Wadajir ah ee Ka Socda Jowhar

Taliyaha Ciidamada ATMIS oo Qiimeynaya Hawlgalada Wadajir ah ee Ka Socda Jowhar

by Alex Kithumbu

Jowhar – Taliyaha Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, Sar. G. Sam Okiding, ayaa booqasho ku tagay magaalada Jowhar toddobaadkan si uu u qiimeeyo diyaargarowga dagaalka ee ciidamada ATMIS ah ee hawlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Iyadoo ay wehliyeen Taliyaha Booliska ATMIS, CP Hillary Sao Kanu, iyo Taliyaha Qaybta Koowaad, Sar. G. Peter Omola. Sar. G. Okiding ayaa waxaa qaabilay Taliyaha Qaybta Shanaad, Sar. G.  Jean Claude Niyiburana.

Isagoo ka hadlayay guulaha ay gaareen ciidamada ATMIS ee Burundi iyo Uganda ee qeybaha shanaad iyo koowaad ayuu Taliyuhu ku bogaadiyay dadaalka ay ku guuleysteen ee ah in Al-Shabaab ay ka saaraan keymaha Cali Fool-dheere.

“Natiijadiina iyo dadaalkiina waa wax la idinku ammaano. Aan sii wadno dardartan inta aan qorshaynayno hawlaheena mustaqbalka,” ayuu yidhi.

Sar. G.  Okiding ayaa ku nuux nuuxsaday in booqashadiisa Jowhar ay qeyb ka tahay booqashooyin istiraatiji ah oo uu ku tagayo goobaha ay ATMIS isugu diyaarineyso in ay ku xoojiso howlgallada wadajirka ah ee ay la leeyihiin Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) si loo sii wiiqo awooda  Al Shabaab.

You may also like