Home » ATMIS Deputy Force Commander commends collaboration between ATMIS and Somali Security Forces in Jubaland

Taliye Ku Xigeenka Ciidanka ATMIS Oo Boogaadiyey Wadashaqeynta Ka Dhaxeyso ATMIS Iyo Ciidanka Amaanka Soomaaliya Ee Jooga Jubaland.

by Alex Kithumbu

Dhoobley, 28 Oktoobar 2023 – Taliye ku-xigeenka ciidanka Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ee waaxda Taageerada iyo Saadka, Sarreeye Gaas Peter Muteti, ayaa soo gabagabeeyey booqasho rasmi ah oo laba maalmood qaadatay oo uu ku joogay Dowlad Goboleedka Jubbaland, si uu ugu kuur galo xaaladda ciidamada ku sugan Dhoobley.

Isagoo la hadlayay shaqaalaha ATMIS ee ku sugan magaalada Dhoobley, Sar. G. Muteti ayaa ku ammaanay ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kaalinta mugta leh ee ay ka qaateen sidii loo yareyn lahaa khataraha Al-Shabaab iyo ilaalinta shacabka ku nool gobolka Jubbada Hoose.

“Dadaalka hagar la’aanta ah ee aad siiseen howlgalka nabad ilaalinta waa mid ammaan mudan, waxaana aaminsanahay inta ay ATMIS la shaqeyneyso ciidamada ammaanka Soomaaliya, ay si wadajir ah ugu guuleysan karaan Al-Shabaab awoodeedana u daciifin karaan iyagoo nabadda waarta gaarsiinaya Soomaaliya,” ayuu yiri Sar. G Muteti.

Sar. G Muteti ayaa sidoo kale soo kormeeray Saldhigyada Howlgalka ATMIS ee qaybta labaad ee ay ka midyihiin Afmadow, Hosingo, iyo Tabda.

Wuxuu ammaanay dowrka ay ciyaareen qeybaha kal duwan ATMIS, oo ay ku jiraan militariga, booliiska, iyo qeybaha rayidka, isagoo ku booriyay inaysan ka daalin taageerada Soomaaliya si loo gaaro nabad iyo xasillooni. Waxaa kale ee uu ku bogaadiyay xiriirka caafimaadka qaba ee ay la leeyihiin ciidamada amniga Soomaaliya, maamulka deegaanka iyo shacabka gobolka.

“Ujeedada ATMIS waa in ay fuliso waajibaadkeeda oo ah in ay Soomaaliya noqoto mid ammaan ah, xasiloon, oo awood u leh in ay ka qayb qaadato dib-u-dhiskeeda dhaqaale,” ayuu raaciyay Sar.G. Muteti.

Wuxuu intaas ku daray in askarta ATMIS ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta nolosha dadka inta lagu jiro howlgallada militari iyo inay u hoggaansamaan shuruucda caalamiga ah oo ay ku jiraan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo heshiisyada kale.

Taliyaha Qeybta Labaad, Sarreeye Guuto William Kamoiro, ayaa uga mahad celiyay Taliye ku xigeenka Ciidanka sida uu uxaqiijiyey in waqtiga ku haboon la gaarsiiyo taageerada dhanka saadka si wax looga qabto caqabadaha badan ee dhanka amniga ah ee saameeya howlahooda shaqo ee Jubaland.

“Taageerada saadka ee wax ku oolka ah awgeed, ciidamadeenu waxay xoojiyeen roondooyinka gobolka oo dhan, waxayna qabteen munaasabado badan oo lagu dhisayo awoodda dadka deegaanka iyo Ciidamada Amniga Soomaaliyeed, taasoo si wanaagsan kor ugu qaadeysa kobaca gobolka,” ayuu raaciyay Sar. G. Kamooiro.

Kenya ayaa weli ah xubin adag oo ka mid ah wadamada ATMIS ee ay ciidmadaka ka joogaan Soomaaliya  (TTC’s), waxaana weheliya Burundi, Djibouti, Ethiopia, iyo Uganda.

You may also like