Home » Ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku suganay ayaa xusey maalinta ciidanka kinya

Ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku suganay ayaa xusey maalinta ciidanka kinya

by Alex Kithumbu

Soomaaliya, 14 Oktoobar 2023 – Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa Sabtidii qabtay munaasabado lagu xusayay maalinta ciidanka kinya (KDF) oo lagu sharfayey geesinimada askarta Kenya ee ku sugan jiida hore ee dagaalka.

Waxaa la xusaa sanad walba laga soo bilaabo 2012, maalinta ciidanka kinya waa xuska maalintii Kenya ay billowday duullaanka militari ee looyaqaano “hawlgalka Linda Nchi” ee Jubaland, Soomaaliya 14kii Oktoobar 2011 si ay u baacsato falaagada Al-Shabaab oo si joogto ah weeraro halis ah uga  geysanjirey dhulka Kenya.

Maalintan ayaa sidoo kale waxaa lagu maamuusaa ciidamada Kenya ee sida geesinimada leh naftoodii qaaliga aheyd ku waayey furimaha dagaalka iyagoo dalka difaaca.

Taliyaha Qaybta Labaad ee ATMIS Sar. G. William Kamoiro iyo dhigiisa Qaybta lixaad Sar. G. Lukas Kutto ayaa shir gudoominayey munaasabadaha kala duwan ee isku mar ka dhacay Dhoobleey iyo Kismaayo ee Jubaland, Soomaaliya.

“Balanqaadkayagu weli waa mid aan badalmin. Waanu horumarinay, waana la qabsanaynaa, udub-dhexaadka ujeedkeenana wali waxba kama bedelin, ayuu yidhi Sar. G. Kamoiro oo gudbiyay dhambaal uu ka siday taliyaha guud ee ciidamada Kenya G. Francis Ogolla.

“Waxaan had iyo jeer fiirineynaa xaalada si aan u hubinno in xeeladaheena iyo awoodeena aysan ahayn kaliya kuwo ka jawaabaya, laakiin ay yihiin kuwo ka hortagaya caqabad kasta oo lid ku ah madax-bannaanida qarankeena,” ayuu yidhi.

Munaasabadaha lagu xusayo maalintan ayaa ciidamada waxa ay soo dhigeen ubaxyo ay ku xardhan yihiin xuska, iyagoona ku beeray geedo si ay ugu xusaan asxaabtii ka dhimatay, isla markaana ay muujineyso in bog cusub uu u furmay dagaalka lagula jiro argagixisada Al-Shabaab.

“Maalintani waxay xasuusinaysaa dhiirranaanta iyo ballanqaadka ciidamadeenna difaaca iyo sida hagar la’aanta ah ee ay nabad iyo ammaan ugu raadinayaan qarankeenna aan jecelnahay iyo deriskeenna Soomaaliya,” ayuu yiri Sar. G. Lukas Kutto, Taliyaha Qaybta Labaad ee ATMIS.

Intii uu socdey “hawlgalka Linda Nchi”, ayaa ciidamada Kenya oo kaashanaya kuwa Jubbaland Al-Shabaab ka xoreeyeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyo 12 magaalo oo kale oo ka tirsan Jubbaland.

Ciidamada Kenya ayaa bishii February ee sanadkii 2012-kii ku biiray howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) -oo ahaa howl-galkii ka horreeyay ATMIS -kaddib qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay.

Kenya waxay ka mid tahay shanta waddan ee ATMIS ee ay ciidamada ka joogaan Somaaliya (TCCs) iyaga oo ay weheliyaan Burundi, Djibouti, Ethiopia, iyo Uganda.

You may also like