Home » ATMIS troops in Dhobley mentor girls on menstrual health

Ciidamada Atmis Ee Jooga Dhobley Ayaa Gabdhaha Siiyey Talo Bixino Ku Saabsan Xaalada Caafimaad Ee Caadada

by Alex Kithumbu

Dhoobley, 11 Oktoobar 2023 – Ciidamada Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ee fadhigoodu yahay Dhoobley ayaa Arbacadii ku biirey kooxda haweenka deegaanka si ay talo bixino usiiyaan gabdhaha dugsiga hoose ee Dhoobley inta lagu guda jiro xuska maalinta caalamiga ah ee gabdhaha yaryar.

Intii ay socotay munaasabadda, saraakiisha ciidamada ATMIS ee Kenya (KDF) oo ay weheliyaan ururka haweenka Dhoobleey – oo ah urur bulsho oo u ololeeya horumarinta haweenka ayaa gabdhaha iskuulka siiyey waxbarasho ku saabsan caafimaadka caadada iyo nadaafadda.

“Waxaan halkan u joognaa inaan gabdhaha kala hadalno dhinacyo kala duwan oo saameeya gabdhaha qaan-gaarka ah oo ay ku jiraan nadaafadda caadada, caafimaadka maskaxda iyo si xun u isticmaalka mukhaadaraadka,” ayay tiri Gashaanle Ruth Omedi, oo ah sarkaalka qaybta 2aad ee ATMIS uqaabilsan Jinsiga..

“Waa waajibaadkeenna ka ATMIS ahaan inaan xaqiijino horumarinta haweenka iyo gabdhaha. Gaar ahaan, waxaan diiradda saareynaa caafimaadkooda sababtoo ah waa hantida kaliya ee gabdhahan ay haystaan xilligan, waxaanan u baahanahay inaan hantidaas u ilaalino si aan udhisno mustaqbalkooda,” ayay raacisay.

Sarkaalka caafimaadka guud ee isbitaalka heerka labaad ee Dhoobley, sedax xidigle Janet Chebet, ayaa ku nuux-nuuxsatay muhiimadda ay leedahay nadaafadda qofka, maadaama ay yareyso khatarta caabuqa, isla markaana ay ka qeyb qaadaneyso caafimaadka guud ee bulshada.

“Gabdhaha hadda si wanaagsan ayaa loo barey caafimaadka caadada, nadaafadda guud iyo dhaqamada fayodhowrka wanaagsan ee caafimaadkooda,” ayuu tiri sedax xidigle Chebet.

Naciim Maxamed, oo xubin ka ah ururka haweenka Dhoobleey, ayaa sheegtay in tababarku uu awood u siin doono gabdhaha da’da yar inay si kalsooni leh uga gudbaan caqabadaha caadada. Waxayna uga mahadcelisay ATMIS hindisaheeda.

“Waan ku faraxsanahay inaan qayb ka noqdo barnaamijkan oo ujeedadiisu tahay in lagu horumariyo gabdhaha da’da yar iyadoo la siinayo xogaha muhiimka ah ee nadaafadda shakhsi ahaaneed iyo in lagala taliyo caafimaadka dhimirka. Waxaan rabnaa inaan ka codsano ATMIS, inay qabtaan kulamo kuwan la mid ah oo joogto ah,” ayay xustay.

Maalinta Caalamiga ah ee Gabdhaha yaryar ayaa la xusaa 11-ka Oktoobar sanad walba si loo aqoonsado xuquuqda gabdhaha iyo caqabadaha gaarka ah ee gabdhaha ay la kulmaan adduunka oo dhan.

Maalintani waxay diiradda saaraysaa baahida loo qabo in wax laga qabto caqabadaha habluhu la kulmaan iyo in kor loo qaado awoodooda lana buuxiyo xuquuqdooda bini’aadminimo.

You may also like