Home » ATMIS doctors save the life of mother and child

Dhakhaatiirta ATMIS Oo Badbaadiyay Nolosha Hooyo Iyo Ilmaheeda

by Alex Kithumbu

Dhoobley – Ka hor inta aan la dhigin Isbitaalka Heerka Labaad ee Dhoobley si loogu daweeyo Sacdiya Maxamed waxaa soo martey bilo xanuun iyo darxumo ah.

Waxay soo martey isbitaalo badan iyadoo kuba uu ku ugudbinayey iyadoo raadinaysa daawaynta xanuunka macaanka oo ku daba-dheeraaday kaasoo gaarsiiyey in mid ka mid ah lugaheeda looga gooyo isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaal Muqdisho horraantii Janaayo sababo la xiriira unugyada oo dhaawacmay.

Si kastaba ha ahaatee, dhibaatooyinkeeda caafimaad ma dhammaan. Bishii Maay Sacdiya oo uur leh ayaa loola cararay Isbitaalka Heerka Labaad ee Dhoobley – oo ay maamulaan Ciidamada Difaaca Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) – ka dib markii ay xaaladdeeda ka sii dartay.

Halkaas, dhibaatada si degdeg ah ayaa loo aqoonsaday. Waxay lahayd Uur oo wey Dilameysey waxaana la siiyay daaweyn degdeg ah.

“Waxaa la ii gudbiyay isbitaalkan si aan u helo daryeel dheeri ah tan iyo markii aan dayacay inaan qaato daawada dhiig karka sababtoo ah waxaan ka baqay inay saameyn ku yeelato uurkayga. Ilaahay ayaan u mahad-naqayaa dhakhaatiirtu waxay badbaadiyeen noloshayda,” ayay tidhi Sacdiya oo ku sugan sariirta cisbitaalka ka dib markii lagu sameeyay qalliin jilicsan.

Soo kabashadeeda waxaa sabab u ah ATMIS iyo shaqaalaha caafimaadka ee Isbitaalka Heerka II ee Dhoobleey oo ujeedkoodu yahey horumarinta hab-nololeedka bulshada deegaanka iyada oo loo marayo mashruuca iskaashiga Rayid iyo Militariga (CIMIC).

Sacdiya wax war ah kama aysan haynin in ay ku jirto xaalad uu oo khatar ah oo ay sabab u tahay xaaladeeda xanuunka macaanka – markii loo wareejiyay isbitaalka ay maamusho ATMIS oo laga keenay isbitaalka guud ee Dhoobley ee magaalada Dhoobley ee ku yaala xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Sonkorowga joogtada ah iyo dhiig karka ayaa ka dhigay mid daciif ah oo halis galiyay ilmaheeda uurka ku jira.

“Markii naloo soo gudbiyay, hadafkeenu wuxuu ahaa inaan hubinno dhalmada hooyada iyo dhallaanka labadaba, iyo sidoo kale inaan wax ka qabanno xaaladdeeda guud ee caafimaad,” ayuu yiri Kabtan Dr Fredrick Cheruiyot, oo ka mid ah dhaqaatiirta Ciidanka Difaaca Kenya.

Dr. Cheruiyot waxa uu ka hadlayay in uurka dilanka la helay ka dib markii dhowr baaritaan lagu sameeyay bukaanka.

Uur dilanku waxuu dhacaa marka uu ilmuhu u jiifo hoosta hoose ee makaanaka..

Sida laga soo xigtay dhakhaatiirta ATMIS, waxaa jiray halis ah in ilmuhu ku xayiran yahay kanaalka dhalmada iyo helitaanka ogsijiinta ee xuddunta oo go’aysey, haddii aan lasameyn qalliinka dhalmada.

Sacdiya ayaa si deg deg ah loola cararay qolka qaliinka halkaas oo dhaqaatiirta Kinya ay ku sameeyeen qaliinka dhalmada, taasoo badbaadisay nolosha hooyada iyo cunuga yar.

“Aad ayaan uga mahadcelinayaa daryeelka iyo naxariista aan ka helay shaqaalaha isbitaalkan intii aan halkan joogay,” ayay tiri Sadiya oo haysa canugeeda yaraa.

Shaqaalaha cisbitaalku kaliya kama caawin Sadiya inay umusho balse waxay sidoo kale ururiyeen lacag ay ku iibsadaan agabka muhiimka ah ee ilmaheeda yar.

Alaabaha la soo iibiyay waxaa ka mid ahaa kursiga curyaanka, alaabta cuntada, xafaayadda carruurta, tuwaalada, go’yaal, dhar, maro kaneeco iyo kuwo kale.

“Hooyonimadu waa safar adag, waxaana ugu dhib badan marka lagu jiro jawi colaadeed oo Soomaaliya oo kale ah. Waxaan aragnay marwadan, Sacdiya, oo la soconey ilaa uurkeeda ilaa hadda ilmuhu uu laba bilood jiro,” ayay tidhi Gashaanle Ruth Omedi, oo ah sarkaalka ATMIS jinsiga uqaabilsan qaybta labaad.

Taliye ku xigeenka qeybta 2-aad ee ATMIS G.sare. Aadan Safe, ayaa ku celceliyay in ciidamada Kiinya ee ku sugan Dhoobley ay sii wadi doonaan gurmadka caafimaad ee ay siinayaan bulshada deegaanka ku xeeran.

“Waajibaadkeena waxaa ka mid ah ilaalinta rayidka iyo dadka nugul sida haweenka iyo carruurta. Marka Sadiya ay ku noqoto tuuladeeda, waxaanu sii wadi doonaa ka qayb gelino xubnaha kale ee bulshada si ay u taageeraan,” ayuu yidhi G.sare. Safe.

Wuxuu xusay in ujeedada ugu weyn ee ATMIS ay tahay in la dhiso xiriir adag oo lala yeesho bulshada deegaanka.

You may also like