Home » ATMIS reiterates its commitment to support Somalia’s Defectors Rehabilitation Programme

ATMIS oo dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay in ay taageerto Barnaamijka Dhaqancelinta dadka soo goostay ee Soomaaliya

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 13 Sebtembar 2023 – Iyadoo qayb ka ah dadaallada lagula dagaallamayo xagjirnimada rabshadaha wata, Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) wuxuu ballan-qaaday in uu sii wadi doono taageerada uu siinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Barnaamijka Dhaqancelinta Dadka soo goostay.

Taliye ku xigeenka ciidamada ATMIS ee dhanka howlgalada iyo qorsheynta, Sarreeye Gaas Marius Ngendabanka, ayaa balan qaadkan ka jeediyay kulan labo maalmood socday oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

“Waxaan mar kale xaqiijinayaa in ATMIS ay si joogto ah uga go’an tahay in ay ku taageerto dowladda iyo dadka Soomaaliyeed hirgelinta barnaamijyada dhaqancelinta iyo isdhexgalka taas oo qayb ka ah dadaalka loogu jiro Soomaaliya oo ammaan ah, xasilloon oo nabad ah,” ayuu yiri Sarreeye Gaas Ngendabanka.

Barnaamijka Dhaqancelinta dada kasoo goostay Al Shabaab ee ay maamusho Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo bahwadaagta kale ee horumarinta ayaa gacan ka geystay dhaqancelinta iyo isdhexgalka bulashada ee kumanaanka kun ee ka soo goostay Al Shabaab, waxaana loo arkaa tiir weyn oo ka mid ah hannaanka dhisidda nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

Siminaarkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay saraakiil ka kala socotay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA),Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF), Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), waxaana sidoo kale goob joog ka ahaa xubno ka socday dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ee Jubaland, Koonfur Galbeed, iyo Galmudug.

Sarreeye Gaas Marius Ngendabanka ayaa sheegay in hadii si wanagsan loola dhaqmo dadka ka soo goosta Al Shabaab ay xaqiijineyso in lagu guuleysto barnaamijka dhaqancelinta dadka soo goostay, ayna dhiirigelineyso in ay ka soo goostaan dad kale oo badan kooxaha argagixisada ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Yuusuf Cali Maxamed, ayaa faah faahin ka bixiyay waxqabadka la taaban karo ee barnaamijkan tan iyo marki la bilaabay sanadkii 2013-dii.

“Muhiimadda barnaamijkan dhaqancelinta dadka soo goostay lama soo koobi karo, weliba marka la eego tirada sii kordhaysa ee ka soo goosanaysa Al Shabaab iyadoo howlgallada ka dhanka ah kooxda ay sii kordhayaan dalka oo dhan,” ayuu yiri Yuusuf.

Waxa uu sheegay in kuwa soo goostay ay muhiim u yihiin geeddi-socodka dhisidda nabadda ee socda, gaar ahaan ka hortagga dacaayadaha xagjirka ah ee ay fidiyaan kooxaha argagixisada ah.

Madaxa Sare ee ATMIS ee Arrimaha Rayidka, Dr. Opiyo Ododa, ayaa carabka ku adkeeyay in barnaamijkan uu yahay mid muhiim u ah ATMIS, asagoo intaa ku dartay in ciidamada Midowga Afrika ay si dhow ugala shaqeeyaan dhigooda XDS soo dhaweynta iyo hub ka dhigista xubnaha ka soo goosta Al Shabaab.

“Barnaamijka Dhaqancelinta Dadka soo goostay waa noo muhiim ATMIS ahaan, sababtoo ah ciidamadeenna oo ay weheliyaan kuwa XDS waa dadka ugu horreeya ee la macaamila kuwa soo goosta, waxaana nala siiyay amar ah in aan ku hayno kuwa ka soo goosta xarumaha ku meelgaarka ah muddo 48 saacadood ah,” ayu xusay Dr Ododa.

Sarkaalka Arrimaha Madaniga ah ee ATMIS ahna Isuduwaha Qeybta 3aad, Fadil Karrar, ayaa sheegay in taageerada ATMIS ee barnaamijkan ay qeyb ka tahay waajibaadkeeda shaqo ee xasilinta Soomaaliya ka hor inta aysan ka bixin dalka dhamaadka sanadka soo socda.

“Taageeradan waxay uga timaada Golaha Midowga Afrika dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, waana sii wadi doonaa taageerada lagama maarmaanka ah ee aan siino Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah,” ayuu yiri Karrar.

Siminaarka ayaa sidoo kale looga hadlay xeeladaha lagu xoojin karo Barnaamijyada dhaqancelinta ee dadka soo goostay iyo sidii loo dhiirigelin lahaa dad badan oo ka soo goosta Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda. Ka qaybgalayaashu waxa kale oo ay ka doodeen hababka isuduwidda ee khuseeya barnaamijka Qaranka ee DRP iyo sida hay’adaha amniga iyo sharci fulinta iyo wasaaradaha ay khusayso ay si buuxda u taageeri lahaayen una dedejin lahaayeen soo goosashada.

 

 

You may also like