Home » ATMIS soldiers conclude training on heavy equipment operation

Saraakil ka tirsan ATMIS oo soo gabagabeeyay tabobar ku saabsan isticmaalka qalabka culus

by Alex Kithumbu

Muqdisho – 14 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Somalia (ATMIS) ayaa soo gebagebeeyey Tababar xooggan oo ku saabsan isticmaalka iyo dayactirka qalabka culus.

Tababarka afarta toddobaad qaatay ee ay fududaysay ATMIS ayaa diiradda lagu saaray isticmaalka cagafta agabka culus lagu raro, dayactirka aasaasiga ah ee mashiimaha, isticmaalka mashiimaha iyo sidookale badqabka iyo maareynta khatarta.

Taliyaha Qeybta Koowaad ee ATMIS Sarreeye Guuto Peter Omola oo ka hadlay xafladda xiritaanka tababarka oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ugu hambalyeeyay ka qeyb galayaasha tababarkan sida ay u dhameysteen tababarkan oo isugu jiray tusmo iyo tijaabin.

Sarreeye Guuto Omola ayaa sheegay in xirfadaha ay barteen ay wax badan ka tari doonaan howl-maalmeedkooda Soomaaliya iyo ka dib marka ay soo dhameystaan socdaalkooda shaqo ee ay ku joogaan dalkan Geeska Afrika.

Taliyaha Qaybta Koowaad ee ATMIS u qaabilsan dhanka Qalabka Culus Gaashaanle Albert Okua ayaa u mahad celiyay Sarreeye Guuto Omola oo fursad u siiyaya saraakiisha in ay helaan tababarkan isticmaalka mashiinada culus.

Gaashaanle Okua aya xusay in shaqaalaha dheeraadka ah ay awood u siin doonto waaxdiisa in ay si siman u geyso qalabka culus meelaha ay ATMIS ka howlgasho.

“Qalabka culus waa awood-bixiyeyaal caawiya habsami usocodka hawlgalka socda. Shaqaalaha la tababaray waxa ay heleen xirfadihii loo baahnaa waxayna diyaar u yihiin in la shaqa geliyo,” ayuu yiri Gaashaanle Okua.

You may also like