Home » Statement on shooting incident at Madina gate

Warsaxaafadeed ku saabsan dhacdadii toogasho ee albaabka weyn ee Madiina

by Alex Kithumbu

atmis press release

WAR SAXAAFADEED

(Faafin Degdeg ah)

ATMIS PR/16/2023

Muqdisho – Maalinta Axadda ahayd ee lasoo dhaafay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku meelgaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa fashiliyey iskuday lagu doonayay in la baal maro hab-maamuuska amniga ee iridda weyn ee Madiina ee xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, Soomaaliya. Tani waa mid ka mid ah albaabada dhanka magaalada xiga ee xerada laga soo galo.

Nin aan la aqoonsan ayaa isku dayay in uu halkaa kasoo galo xarunta oo hoyo u ah Ciidamada Midowga Afrika ee Ku meelgaarka ah (ATMIS) iyo Xafiisyada Qaramada Midoobay (UN), isagoo oo aan la marin baaritaanada waajibka ah ee ammaanka lagu sugo.

Askari feejigan oo heegan ku jira ayaa isla markiiba u tagay shakhsiga, isaga oo ka codsaday in uu u hoggaansamo habraacyada amniga ee caadiga ah, oo ay ka mid yihiin in la mariyo mashiinka wax lagu baaro si loo raaco talaabooyinka caadiga ah ee lagu sugaayo amniga. Nasiib darro, shaqsigaasi wuu diiday in uu u hogaansamo talaabooyinka lagu sugaayo amniga, wuxuuna noqday mid ku kacay fal gacan ka hadal ah, wuxuu la soo baxay mindi, kadibna uu ku weeraray askariga halkaas oo saddex jeer uu kaga dhuftay caloosha, qoorta iyo garabka.

Iyaga oo si degdeg ah uga jawaabaya falkan foosha xun, ayu askari kale oo goobta ku sugnaa talaabo ka qaaday shakhsigii weerarka geysanaayay. ATMIS waxa ay soo dhoweyneysa oo ay bogaadinaysaa jawaabta degdegga ah ee ay askarta ka bixiyeen dhacdadan.

Askarigii dhaawaca culus uu ka soo gaaray falkan ayaa loo qaaday isbitaalka heerka 2-aad ee ATMIS ee magaalada Muqdisho, halkaas oo xaaladiisa caafimaad lagu daryeelayo.

Ciidamada ATMIS iyo kuwa Ammaanka Soomaaliya ayaa si firfircoon u wada baaritaan buuxa oo ku saabsan dhacdadan. ATMIS waxay dib u xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay in ay hubiso badqabka iyo ammaanka shaqaalaha iyo dhammaan shakhsiyaadka sida joogtada ah usoo booqda ama uga shaqaysta xerada.

_______________

Wixii faahfaahin dheeraad ah la soo xiriir:

Madaxa Warfaafinta: Marwo Gifty Bingley

Email: Atmismediacenter@gmail.com

Tel: (Soomaaliya) +252 617682175/ +252613665356/ (Nairobi) +254722788975

You may also like