Home » Masuuliyiin Sarsare oo ka tirsan Midowga Afrika, Qaramada Midoobey iyo Dawlada Soomaaliya ayaa yeeshey kulan ay uga wada hadleen wajiga labaad ee dhimista ciidamada ATMIS

Masuuliyiin Sarsare oo ka tirsan Midowga Afrika, Qaramada Midoobey iyo Dawlada Soomaaliya ayaa yeeshey kulan ay uga wada hadleen wajiga labaad ee dhimista ciidamada ATMIS

by Alex Kithumbu

Muqdisho 22 Agoosto 2023 – Madaxda sare ee Midowga Afrika, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyo Qaramada Midoobay ayaa yeeshay kulan wadatashi ah oo looga tashanayay wajiga labaad ee ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) looga saari lahaa Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay Villa Soomaaliya, Qasriga Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS Danjire Mohamed El-Amine Souef, Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Dr. Aisa Kirabo Kacyira iyo La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali.

Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Ciidanka ATMIS Sar.G. Sam Okiding, wafdi ka socday Midowga Afrika oo booqasho ku yimid oo uu hogaaminayay Madaxa Qeybta Howlgallada Taageerada Nabadda (PSOD), Zinurine Abiodu Alghali, La-taliyeyaasha sare ee Xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo saraakiil sar sare  ka tirsan ciidamada Booliska iyo Militariga  Soomaaliya, iyo wakiilo ka kala socotay Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha iyo waaxyaha kale ee muhiimka ah.

Hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa la filayaa in ay Saaraan 3000 oo askari oo dheeraad oo ka tirsan Ciidamada hawlgalka bisha soo socota ka dib markii ay si guul leh u soo saareen 2000 oo askari oo ayna wareejiyeen lix saldhig bishii June.

“Xitaa annagoo halkan ku kulmeyna, oo ah Guddi farsamo oo isku dhaf ah oo ka kooban ATMIS, Dowladda Federaalka iyo Hayada Qaramada Midoobey ee UNSOS ayaa ka shirayna sidaan uqorsheynlaheyn saldhigyada laga dhimidoono 3000 oo Askari,” ayuu yiri Danjire Mr. Souef, isagoo uga mahadceliyey Qaramada Midoobey iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya taageerada joogtada ah iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin ATMIS oo sababtey in siguul ah loo soo gabagabeeyo wejiga koowaad.

“Maadaama oo ay hada socdaan hawlgalo dagaal, waa in aan qorshaha dhimist ciidanka si fiican uwaafajinaa oo si habsami leh ufulinaa si guulaha ilaa hadda la gaaray aan loo dhaawicin,” ayuu yidhi.

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, ayaa ku ammaanay Midowga Afrika iyo hayada Qaramada midoobey ee UNSOS taageeradooda joogtada ah, wuxuuna ku celceliyay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay inay kormeerto in si guul leh mas’uuliyadaha amniga Soomaaliya loogu wareejiyo ciidamada ammaanka Soomaaliya marka ATMIS ay ka baxdo Soomaaliya bisha December 2024-ka.

Dhankeeda, Madaxa UNSOS, Dr. Aisa Kirabo Kacyira, ayaa ka codsatay guddiga farsamada inay tixgaliyaan casharadii laga bartay wajigii koowaad ee dhimista, iyadoo ku nuuxnuuxsatay, “Qaramada midoobey waxay hubin doontaa in qalabka iyo tasiilaadka kale ee lagu wareejiyay Ciidamada Amaanka Soomaaliya ay xaaladoodu wanaagsan tahay, ciidamada Somaliyana lagu tabo baro sidii ay udeegsanlahaayeen.”

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa taageero saad siisa ATMIS iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya hawlgallada wadajir ah ay laqabtaan ATMIS.

Sida uu dhigayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2687 (2023), Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa looga baahan yahay inay sameeyaan qiimeyn farsamo dhammaadka bishan si ay u qiimeeyaan wejiga koowaad ee dhimista Ciidanka, isla markaana ay warbixin dhameystiran ka soo saaraan udiyaargarowgooda ugu dambeyn ee wajigii labaad ka hor 15-ka September.

Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2628 iyo 2670, kaasoo dhigaya in ATMIS ay si tartiib tartiib ah ugu wareejiso mas’uuliyadda amniga ciidamada ammaanka Soomaaliya ka hor ka bixitaanka Soomaaliya 31ka Diseembar, 2024

You may also like