Home » Booliska ATMIS oo ugu Deeqay Agab Caafimaad Xarunta Taliska Booliska Jubalanta Hoose Socdaalkoodii is barashada

Booliska ATMIS oo ugu Deeqay Agab Caafimaad Xarunta Taliska Booliska Jubalanta Hoose Socdaalkoodii is barashada

by Alex Kithumbu

Kismaayo, 12 Juun 2023 – koox saraakiil ah oo ka socotay Xarunta Taliska Hawlgalka ATMIS ee Muqdisho oo ay hogaaminayeen sargaalka isku xiraha ciidanka booliska ATMIS, SP. Kisaba Rimamnyang iyo xiriiriyaha Dib uhabeynta, Dib udhista iyo horumarinta ciidanka booliska ATMIS, kaaliye taliye boolis(ACP) John Simon ayaa Agab Caafimaad gaarsiiyey Xarunta Taliska Booliska Jubalanta Hoose ee Kismayo Socdaalkoodii is barashada.

Deeqdan ayaa timid ka dib codsi ay horay u soo gudbiyeen taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Jubalaanta hoose (LJSPF).

Hadalkiisa, xiriiriyaha Dib uhabeynta, Dib udhista iyo horumarinta ciidanka booliska ATMIS oo jeediyey dhambaal uu ka siday Taliyaha Booliiska ATMIS- CP Hillary Sao Kano, ayaa bogaadiyay xiriirka wada-shaqeyneed ee ka dhexeeya Booliiska Soomaaliyeed iyo ATMIS.

SP Rimamnyang, Wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimada uu leeyahay  barnaamijka lagu ogaanayo baahiyaha iyo caqabadaha haysta Ciidanka booliska Jubaland ka dibna loogu gogol xaaro sidii Ciidan booliska maamul goboleedka jubaland uheli lahaayen xirfado heer calami ah.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jubbalanta Hoose G.sare Xuseen Cali Xaashi oo guddoomay dawadan isagoo matalayey magaca Taliyaha Booliska gobolka, ayaa bogaadiyay hoggaaminta ATMIS sida wanaagsan oo ay u garab taagan yihiin ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Lataliyaha Caafimaadka ee Booliska ATMIS CP. Agnes Muriithi, Lataliyaha Sharciga SP. Odonkor Eunice, SP. Yamu Joel Muuse iyo SP. Klu Enyonam iyo sidoo kale ASP Edward Conteh oo ah La-taliyaha Caafimaadka, Kismaayo.

Sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2628, Booliska ATMIS waxaa loo igmaday inay Ciidan booliska soomaalyeed siiyaan tababaro, la-talin, iyo taageero hawleed oo ay ka mid yihiin ilaalinta wadajirka ah iyo ilaalinta xarumaha muhiimka ah.

Booliska ATMIS ayaa ilaa hadda gacan ka gaystay tababarida in ka badan 150 askari oo boolis ah oo loo tabobarey maamulka Jubaland kuwaas oo tabobarka kadib loo diray deegaano kala duwan oo ka tirsan gobolka si ay uga hawlgalaan

You may also like