Home » Saraakiil ka tirsan hawlgalka ATMIS ayaa qaatay tababar ku saabsan xuquuqda aadanaha iyo ilaalinta shacabka

Saraakiil ka tirsan hawlgalka ATMIS ayaa qaatay tababar ku saabsan xuquuqda aadanaha iyo ilaalinta shacabka

by Alex Kithumbu

Dhoobley, 3 Agoosto 2023 – Soddon iyo shan sarkaal oo isugu jira milateri iyo booliis oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa soo gabagabeeyay tababar socday laba maalmood oo ku saabsanaa xuquuqul insaanka iyo ilaalinta shacabka ee hawlgallada nabad ilaalinta.

Tabobarkan oo ay soo qaban-qaabiyeen waaxda isku xidhka shacabka ee qaybaha labaad iyo lixaad ee hawlkalga ATMIS ayaa loogu talagalay in lagu kobciyo aqoonta saraakiisha ee Sharciyada Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha si ay u ilaaliyaan una hormariyaan xuquuqda aadanaha marka ay shaqeynayaan.

“Tababarkan waa mid aad muhiim u ah sababtoo ah wuxuu xoojinayaa isla xisaabtanka iyo u hoggaansanaanta shuruucda  Midowga Afrika, kaasoo loobaahanyahey in ciidamadu ay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah ee xuquuqul Insaanka iyo Shuruucda Bani’aadamnimada,” sidaas waxaa yiri madaxa ilaalinta xuquuqda shacabka ee hawlgalka ATMIS Gloria Jaase mar ay ka hadleysey xafladii  xiritaanka tababarkna oo ka dhacey Dhoobley, Gobolka Jubbada Hoose.

Sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2628(2022), dhammaan qaybaha kala duwan ee ATMIS iyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya waxaa looga baahan yahay in ay u fuliyaan howlgalladooda iyaga oo si buuxda u raacaya waajibaadka hoos yimaada Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada iyo Sharciga Xuquuqda Aadanaha ee

Jaase ayaa tiri; “marka aan la shaqeyneyno shacabka, waa inaan ka taxadarnaa inaanan ku xad-gudbin xuquuqdooda, sababtoo ah waxaan halkan u joognaa inaan ilaalino iyaga, taasina waa waajibaadkeena.”

Mawduucyada la bartey intii lagu jiray tababarka waxaa ka mid ahaa ilaalinta rayidka iyo carruurta xiliyada iska hor imaadyada hubaysan, ilaalinta galmada sharcidarada ah, isdhexgalka jinsiga iyo xuquuqda aadanaha ee xiliyada hawlgalka ATMIS. Waxyaabaha kale ee la bartey waxaa ka mid ahaa anshaxa iyo dabagalka, diwaangelinta khasaaraha rayidka iyo ka jawaabidooda.

Taliye ku xigeenka qeybta labaad ee ATMIS G. Sare Anda Safe ayaa kula dar daarmay saraakiisha in ay ku dhaqmaan aqoonta ay barteen marka ay shaqeynayaan si ay uga caawiyaan howlgalka in uu guto waajibaadkiisa ka hor inta uusan Soomaaliya ka bixin bisha December 2024-ka.

“Tababarku wuxuu ahaa mid nuxur leh kuna tusaaleysan waaqiciga jira, wuxuuna ku milmay xaqiiqooyinka dhabta ah ee ka jira Soomaliya, gaar ahaan Qeybta Labaad ee Mas’uuliyadeena,” ayuu yiri Col. Safe.

G/dhexe. Philip Conteh, oo ah Madaxa dabagalka, diwaangelinta khasaaraha rayidka iyo ka jawaabidooda (CCTRAC), ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la diiwaan geliyo khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaara goobaha ay ka howlgalayaan, wuxuuna ku dhiirigaliyay ka qaybgalayaasha in ay adeegsadaan xirfadaha ay barteen.

“Waa inaan daba-galno, si sax ah u kala saarnaa, oo aan sameynaa goob aan ku diwaangalino dhammaan kuwa dhibaatooyinka geysta, oo ay ku jiraan Al-shabaab, kooxaha hubeysan ee aan la garanayn, iyo dhammaan kooxaha ka dagaalamaya Soomaaliya,” ayuu G. dhexe. Conteh u sheegay tabobarqaatayaasha.

Gashaanle Ruth Omedi, oo ah sarkaalka qeybta 2-aad ee Jinsiga, ayaa ku tilmaantay tababarkan mid indhaha ufurey, gaar ahaan la tacaalida arrimaha jinsiga ee goobaha colaadaha.

“Waxaan bogaadinayaa dadaalka lagu bixiyay in tababarkan naloogu keeno Dhoobley si aan u helno aqoon dheeraad ah oo ku saabsan xuquuqda aadanaha. Hadda waxaan si wanaagsan u fahamnay doorkayaga marka ay timaado arrimaha la xiriira rayidka iyo xuquuqda aadanaha,” ayay tiri Gashaanle. Omedi, oo ka tirsanaa ciidanka Kinya in ka badan 10 sano.

You may also like