Home » Hawlgalka ATMIS iyo EUCAP ayaa Tabobaray qaybtii labaad ee Ciidanka Bada iyo ilaalada Xeebaha Soomaaliya oo ay ku tabobareen amniga Badaha

Hawlgalka ATMIS iyo EUCAP ayaa Tabobaray qaybtii labaad ee Ciidanka Bada iyo ilaalada Xeebaha Soomaaliya oo ay ku tabobareen amniga Badaha

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 27 Luulyo 2023 – Koox ka tirsan Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya (SNCG) ayuu usoo gabagaboobey tababar heer sare ah oo socday laba toddobaad oo ku saabsanaa amniga badda, kaasoo qayb ka ah dadaallada socda ee lagu ilaalinayo xeebta dheer ee dalalka Bariga Afrika.

15-ka sarkaal ee ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha ayaa ah kooxdii labaad ee qaata tababarkan oo ay si wada jir ah u fududeeyeen Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Hawlgalka Midowga Yurub ee kobcinta awooda Soomaaliya (EUCAP Somalia).

“Tababarkan labaad waa mid waafaqsan ujeedooyinka ku xusan Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya (STP) iyo waajibaadka ATMIS-ka, gaar ahaan qaybaha la-talinta iyo tayeynta laamaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka ATMIS Sar.G. Sam Okiding.

Ujeedada Tababarkan lagu qabtey Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ah in Ciidamada Amaanka Soomaaliya loo diyaariyo in ay la wareegaan masuuliyada Amniga Bada ka hor inta aan lagaarin bixitaanka ciidamada ATMIS ee dhamaadka sanadka 2024.

Soomaliya waxa ay leedahey Xeebta ugu dheer Africa oo gaareysa 3,333 KM iyadoo amnigeedu uu muhiim uyahey deganaanshaha wadanka iyo wadamada geeska Africa oo idil.

Kooxdii hore oo qaadatey tabobarkan ayaa ahaa 15 sarkaal, iyagoo bishii hore qaatey tabobar kan lamid ah oo isugu jirey mid akhris ah iyo mid ficil ahba.

Mawduucyada la baray waxaa ka mid ah badda guud, badbaadada aasaasiga ah, dayactirka doonyaha, isgaarsiinta raadiyaha, sharciga badda iyo xirfadaha gargaarka degdegga ah.

Sar.  G  Okiding ayaa ku tilmaamay tababarkan inuu yahay mid muhiim u ah Soomaaliya si loo dhiso ciidamo xoog leh oo badeed kuwaasoo wax weyn ka tari doona qaab dhismeedka amniga dalka, ka hor inta aan lagaarin bixitaanka ciidamada ATMIS ee dhamaadka sanadka 2024.

Waxaa dareenkiisa ka dhawaajiyay Sven Lidner, La-taliyaha Sare ee Badaha oo ka socdey  EUCAP Soomaaliya, waxuuna xusay in howlgalka maareynta xasaradaha uu sii wadi doono tababarka Ciidamada amaanka Soomaaliya si uu dalka uga caawiyo in uu dhisto ciidan ammaan oo hufan.

“Waxaa muhiim noo ah inaan sii wadno tababarada taxanaha ah, sida oogu haboon oo ah labadii ilaa seddexdii biloodba mar, si aan u sii wadno oo aan u dhisno awooda Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya SNCG,” ayuu yiri Lidner.

Gashaanle C/waaxid Cali Afrax oo ah Taliye ku xigeenka Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya (SNCG) ayaa ku bogaadiyay Macalimiinta sida ay xirfadda iyo aqoonta ay u barayaan saraakiisha, isagoo intaa ku daray: “Waxaan aragnay waxtarkooda iyo sida ay uga shaqeynayaan ilaalinta xeebahayaga.”

Maj. Afrax ayaa intaa ku daray in tababarkan uu sidoo kale gacan ka geysan doono horumarinta heerka xirfadeed ee ciidamada badda ee dalka.

Kormeere Yuusuf Cabdi Xirsi oo ka mid ah ka qeyb galayaasha ayaa ku tilmaamay tababarkan mid wax badan ka bedelaya xirfadiisa ciidamada badda.

“Tababarkan waxa uu iga caawin doonaa sidii aan u horumarin lahaa shaqadeyda anigoo salaynaya mawduucyada aan bartay, kuwaas oo ay ku jiraan marin-biyoodka, sharciyada badda, gargaarka degdegga ah, iyo kuwo kale,” ayuu yiri Kormeere Hersi oo ka soo shaqeeyay Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya SNCG muddo afar sano ah.

Gaashaanle Dhexe Peter Mbui, oo ka mid ah macaliminta ayaa sheegay in xeebaha Soomaaliya aysan ahayn oo kaliya mid ka mid ah marinnada ugu waaweyn ee maraakiibta Afrika balse sidoo kale ay tahay mid ka mid ah kuwa ugu qanisan kheyraadka badda.

“Koorsada waxaa loogu talagalay in lagu xaqiijiyo in badmaaxiinta ay helaan xirfadaha la xiriira si ay ugu suurtagasho in ay sugaan amniga xeebtan gaarka ah,” ayuu raaciyay Lt. Col. Mbui.

You may also like