Home » Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ayaa si weyn u xusay munaasabadda Ciidul-Adxa

Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ayaa si weyn u xusay munaasabadda Ciidul-Adxa

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 28 Juun 2023 – Nabad-ilaaliyeyaalka Muslimiinta ah ee ka midka ah Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa manta walaalahood muslimiinta adduunka la xusey Ciida Ciidul-Adxa.

Nabad ilaaliyaalka oo uu weheliyay Madaxa Hawlgalka ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa waxay Ciida ku tukadeen Masjidka ATMIS ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ugu duceeyeen dadka dhibaateysan iyo in lagaaro Nabad, Midnimo iyo  Dib u heshiisiin.

Salaada oo uu Tujiyey Imaamka ATMIS ee Muslimiinta G. Sare Maxamuud Xasan ayaa ka hadlay ahmiyadda maalintan kuna booriyay mu’miniinta inay ku daydaan nabi Ibraahiim oo ahaa nabi ku suntan , adeecitaanka Alle, aaminaad, iimaanka iyo deeqsinimada,

Ciid Al-Adxa oo sidoo kale loo yaqaano Iiddii allabariga, waxay sharfaysaa rabitaanka Nebi Ibraahim inuu allabari u bixiyo wiilkiisa keliya ee Ismaaciil, waxayna sidoo kale calaamad u tahay dhammaadka Xajka oo ah tiirka shanaad ee Islaamka.

Maalintan ayaa loo asteeyay Maalintan iyadoo Muslimiintu ay gowracayaan xoolaha, hilibkana ay la qaybsanayaan deriskooda, dadka danta yar iyo kuwa u baahan xusuusta falkii naf-hurnimada ee nebi Ibraahim.

Imaamka ayaa xusay in cibaadada xajka oo hal mar la qabto ay keeneyso midnimo iyo sinnaan Muslimiinta caalamka isagoo ku booriyay mu’miniinta inay la noolaadaan dadka kale iyadoon loo eegayn kala duwanaanshaha Midabka iyo jinsiga.

Afhayeenka Ciidamada ATMIS, G/sare C/llaahi Ganaale ayaa xusay in Ciidda Carafo ay muhiimad gaar ah u leedahay nabad ilaaliyayaalka, maadaama ay barato qiimaha ay leedahay naf hurnimada iyo arrimo kale.

“Maalintani waxay na siineysaa dhiiranaan iyo adkeysi xitaa anakoo ku dhaxjirna cadaadiska iyo deegaanka qallafsan. Waxaan aad u qadarineynaa rumaysiga iyo u dhawaanshaha allah. Intaa waxaa dheer, nabad-dhisidda waa mid ka mid ah shuruudaha iyo waajibaadka muslimiinta,” ayuu yidhi. G.sare. Ganaale.

You may also like