Home » Madaxa ATMIS ayaa ku baaqay in Beesha Caalamku taageerto Soomaaliya xiliga kala guurka ah ee ay Soomaaliya kala wareegeyso masuuliyada Amniga ATMIS

Madaxa ATMIS ayaa ku baaqay in Beesha Caalamku taageerto Soomaaliya xiliga kala guurka ah ee ay Soomaaliya kala wareegeyso masuuliyada Amniga ATMIS

by Alex Kithumbu

New York, 24 Juun 2023 – Madaxa Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Ambassador Mohamed El-Amine Souef ayaa saaxiibada beesha  caalamka ka codsaday inay bixiyaan taageero dheeraad ah si kor loogu qaado awoodda ciidamada ammaanka ee Soomaaliya (SSF) si ay ugula wareegaan talada mas’uuliyadaha amniga Hawlalka ATMIS dhamaadka Diseembar 2024.

Danjire Souef ayaa codsigan jeediyay Jimcihii, kulan ka dhacay New York, oo ay isugu yeereen Ergada Joogtada ah ee Midowga Afrika ee Qaramada Midoobay iyo saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah. Waxa uu warbixin ka siiyey horumarradii udambeeyay iyo aragtiyada Soomaaliya iyo hawlgallada ATMIS ee socda.

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa sheegay in kordhinta taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan siinta Dhaqaale iyo agabyada kale ciidamada ammaanka Soomaaliya, ay gacan ka geysan doonto sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha saameeya howlgallada wadajirka ah ee socda iyo in la xaqiijiyo in ATMIS ay si habsami leh uga baxdo Soomaaliya.

Danjire Souef ayaa ku nuux-nuux saday in iyadoo ATMIS ay isku diyaarinayso inay ka baxdo Soomaaliya 18-ka bilood ee soo socda, ayna Dowladda Federaalka Soomaaliya u baahan tahay taageero muhiim ah si ay wax uga qabato arrimaha mudnaanta u leh amniga.

“Hadda waxaa jirta xaalad fiican oo ku habboon ogolaanaysana in si dhab ah oo wadajir ah loo taageero Soomaaliya. Dhanka Midowga Afrika, si dhab ah oo wadajir wuxuu ka dhigan yahay inaan rabno inaan aragno asxaabteena oo dib isugu xilqaamay inay wax ka qabtaan caqabadaha soo ifbaxaya ee ka hor imaanaya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ATMIS,” ayuu yiri danjire Souef.

Wuxuu ka codsaday saaxiibada caalamka inay taageeraan tayeynta Ciidamada Soomaliya sida taliska iyo xakamaynta ciidamada, duullaanka Socda iyo xasilinta goobaha cusub ee la xoreeyay, qaadista cunaqabateynta hubka si Soomaaliya ay awood ugu yeelato inay hesho hub iyo in lataageero  dadaallada lagu doonayo in wax looga qabto sababaha asaasiga u ah isku dhacyada.

Waxa uu ku nuux-nuux saday in madaxda Soomaaliya ay caddeeyeen in ay awood u leeyihiin in ay hoggaanka qabtaan, iyagoo xaqiijiyay dhaqan gelinta Hab-dhismeedka Amniga Qaranka, dib-u-dhiska Ciidanka Qaranka iyo in ay hormuud ka noqdaan gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Isagoo iftiimiyay taageerada ay ubaahantahey ATMIS, danjire Souef wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidamada Midowga Afrika ay si wax ku ool ah u taageeraan ciidamada ammaanka ee Soomaaliya inta lagu jiro xilliga kala guurka, sidoo kale ATMIS waxay u baahan tahay Diyaaradaha qumaatiga ukaca iyo qalabka casriga ah ee ilaalinta iyo sahanka sirdoonka (ISR).

Waxa uu soo hadal qaaday weerarkii dhawaan lagu qaaday Saldhigga ATMIS ee ku yaalla Buulo Mareer, halkaas oo uu howlgalku ku tiirsanaa taageerada saaxiibo kale si ay u helaan diyaarado hawada ka dagaalama.

“Iyadoo la adeegsanayo awood-bixiyeyaasha lagama maarmaanka ah, ATMIS waxay wax badan ka qaban kartaa si loo xaqiijiyo ilaalinta xoogga iyo taageeridda Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya si ay ufuliyaan hawlgalada,” ayuu yiri danjire Souef.

“Joogtaynta Taageerada ATMIS ee 18ka bilood ee soo socda waa muhiim. Waxayna Hawlgalka ATMIS u sahlaysaa in howsha loo igmaday iyo waajibaadka Saaraan ay gutaan, isla markaana ay dhameystiraan taageeridda Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Danjire Souef ayaa sheegay in kordhinta dhaqaalaha miisaaniyada ee ay saaxibada beesha caalamka siiyaan Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ay horseedi doonto kordhinta taageerada ee ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo horumarinta awoodda ATMIS ee goobaha dagaalka.

“In si guul ah ku dhaco kala guurka ee wareejinta mas’uuliyadaha amniga ee ATMIS ku wareejineyso Ciidanka Amaanka Soomaaliya waxay si weyn ugu xiran tahay in si joogto ah oo la saadaalin karo loo helo dhaqaale. Sidaa darteed waa inaan sii wadnaa sahminta fursadaha aan ku heli karno maalgelinta Ciidamad amaanka Soomaaliya  iyo ATMIS,”

You may also like