Home » ATMIS trains Somali Police in traffic management and road safety

Hawlgalka ATMIS ayaa Booliska Soomaaliya siiyey tabobar ku saabsan maareynta iyo badbaadada waddooyinka

by Alex Kithumbu

Muqdisho, 23 Juun 2023 – 55 askari oo ka tirsan ciidanka nabad-gelyada waddooyinka ee @SoPoliceForce, ayaa soo gabagabeeyey tababar tababarayaalka oo ku saabsan maaraynta wadooyinka, si kor loogu qaado awooddooda maareeynta wadooyinka iyo sugidda amniga waddooyinka dadweynaha

Tababarkan oo ay fududeeyeen qeybta booliska ee howlgalka midowga Africa ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa muddo labo todobaad ah waxaa si isku mid ah loogu qabtay caasimada Muqdisho, magaalada Jowhar ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Taliyaha booliska ee ATMIS, CP Hillary Sao Kanu oo ka hadashey xafladdii xiritaanka oo ka dhacday dugsiga tababarka booliska ee Gen. Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa kula dar daarantey saraakiisha in ay la wadaagaan aqoonta ay barteen si sare loogu qaado adeeg bixinta.

“Waxaan aaminsanahay in ka qaybgalayaashu ay heleen aqoon iyo khibrad badan. Waxaan rabaa inaan dhammaantiin idinku dhiirigeliyo inaad tababarkan si dhab ah u qaadataan. Waa in aydaan aqoonta aad barateen naftiinna ku ekeynin, laakiin aad sii gaarsiiseen kuwa kale ee aan nasiibka u yeelan in ay tabobarkan qayb ka noqdaan,” ayay tidhi.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sar. G. Cismaan C/llaahi Maxamed ayaa ku bogaadiyay ciidamada tababarka loo soo xiray inay dhameystaan tababarka. Waxa uu sheegay in ay gacan ka geysan doonto in wax laga beddelo habka loo maamulo isu socodka wadooyinka magaalooyinka Soomaaliya.

“Wadooyinkeena Soomaaliya waxaa ka jira cidhiidhi dhanka isu socodka gaadiidka ah. Xirfadda iyo aqoonta aad barateen waxay idiin sahli doontaa inaad maareysaan gaadiidka iyo inaad sugtaan ammaanka waddooyinkeenna,” ayuu yiri Sar. G.

Tababarka ayaa lagu baranayay mowduucyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin, Waajibaadka Ciidamada Taraafikada, Tallaabooyinka Badqabka Wadooyinka, Dembiyada Caadiga ah ee Gaadiidka iyo Sababaha dhaliya Shilalka, Xuquuqda Isticmaalayaasha Wadooyinka, iyo Baaritaanka Shilalka.

Maamul Goboleedka Jubaland ayaa tababarkan lagu qabtay xarunta taliska ciidanka booliska ee Gobolka Jubbada Hoose ee magaalada Kismaayo. Tani waxay ahayd mid kor loogu qaadayo tayada ciidamada nabadgelyada waddooyinka ee Gobolka iyadoo  ay magaalo dekadeedu ay isu diyaarinayso in la furo waddooyin cusub oo uu kor ukici doono cidhiidhigu.

Maxamed Caaqil Cabdullaahi oo ka mid ah ka qeyb galayaasha tabobarkan ayaa sheegay in uu uga mahadcelinayo ATMIS fursadda ay siiyeen, waxaana uu carabka ku adkeeyay faa’iidooyinka uu leeyahay tababarkan.

“Maadaama la filayo in waddooyin cusub la furo, kuwa kalena la dhisayo, Maamulka gobolka iyo ATMIS waxay cadeeyeen inay xiligan ay  ku habboon tahay in la qabto tabobarkan. Waxaan sare u qaadnay faa’iidooyinkiisa. Waxaan baranay sida looga jawaabo shilalka annagoo nabdoon oo aan fulino baaritaanno,” ayuu yidhi.

Sidoo kale, C/llaahi Maxamed Cismaan oo ka mid ahaa 10-kii xubnood ee ka qaybgalay tabobarka ayaa yiri waa in la horumariyo kooxaha-taraafikada, si ay u maareeyaan kororka gaadiidka waddooyinka Jowhar iyo magaalooyinka kale.

“Tani waa markii ugu horreysay oo aan ka qaybgalo tababar maamulka waddooyinka ah, waxaanan helay xirfado qiimo leh. Waxaan rajeynayaa in aan qaadano tababaro badan oo aan ku xoojino aqoonteena iyo xirfadaheena,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Sida uu sheegay isku duwaha tababarada iyo horumarinta ee booliska ATMIS ACP Samuel Asiedu Okanta, tababarkan kor u qaadida awooda taraafikada ayaa qayb ka ah udiyaar garowga socda ee lagu wareejinayo mas’uuliyadaha amniga dalka soomaaliya.

You may also like