Home » Head of ATMIS briefs UN Security Council on the AU mission’s support to Somalia

Madaxa Hawlgalka ATMIS oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay warbixin ka siiyey Taageerada uu howlgalka Midowga Afrika siiyo Soomaaliya.

by Alex Kithumbu

New York, 23 Juun 2023 – Madaxa Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa Khamiistii warbixin siiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana uu soo bandhigay qorsheyaasha amniga ee howlgalku qabandoono laguna taageerayo Soomaaliya inta lagu guda jiro xilliga kala guurka ah ka hor inta aan la gaarin bisha December 2024.

Warbixintan ku saabsan xaaladda Soomaaliya ayaa dhacday intii uu socday shirkii 9356-aad ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Kalfadhiga waxaa shir guddoominayay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta, Sheikh Shakhboot Bin Nahyan Al Nahyan.

Danjire Souef ayaa khudbadiisa ku sheegay in ATMIS ay taageero la-talin ah siiso ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya si loo ilaaliyo Shacabka iyo in la xaqiijiyo u hoggaansanaanta sharciyada caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo sharciyada xuquuqul insaanka inta lagu guda jiro Hawgalada dagaal ee ay Soomaaliya hormuudka ka tahay.

Sidoo kale, hawlgalka ATMIS waxuu taageero siiyey ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya wejigii koobaad ee weerarrada milateri ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab. Wajiga labaad ee duulaankana oo loogu magac daray “Howlgalka Libaaxa Madow” ee soo socda ayaa waxaa ka mid noqon doona ciidamada gobolka ee Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ee xuduudka la leh Soomaaliya.

Danjire Souef ayaa sidoo kale xusay in ciidamada Hawlgalka ATMIS ee milateriga iyo booliiska ay sii wadi doonaan la-talinta iyo tababarada ay siiyaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa booliiska Soomaaliya. Tani waa qaybo ka mid ah udiyaargarawga wareejinta mas’uuliyadda amniga ee ATMIS ku wareejineyso ciidamada amniga Soomaaliya.

Danjire Souef ayaa sidoo kale xusay in hawlgalka ATMIS uu ku guda jiro hirgelinta wajiga koowaad ee dhimista Ciidamada.  waxaana kamid ah dhimista tirada ciidamada iyo in lix saldhig  lagu wareejiyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

“Waxaan u sheegayaa golaha in dhimista 2,000 oo askari oo ATMIS ah si waafaqsan go’aankii Golaha Ammaanka ee 2628 (2022) iyo 2670 (2022) hadda la fulinayo,” ayuu yiri danjire Souef.

“Marka la dhammeeyo wejiga koowaad, gaar ahaan dhimista Ciidamada ee toddobaadka soo socda, hawlgalka ATMIS waxuu diyaarin doonaa Xoogaga Falcelinta Degdega ah iyo Ciidamada Wareega. Waxaan sidoo kale diyaarin doona  taageerayaal diyaar ah, sida helikabtarrada wax weerara iyo qalab casriga ah ee ilaalinta sirdoonka iyo sahanka fog (ISR) iyo qalabyada casriga ah ee  Kahortagga walxaha qarxa. Tani waxay kor u qaadi doontaa awoodda hawlgaka ATMIS, taasoo awood u siinaysa howlgalku inuu si wanaagsan uga jawaabo baahiyaha howlgallada ciidamada ammaanka Soomaaliya ee goobta dagaalka,” ayuu raaciyay danjire Souef.

Waxa uu xusay in 18 bilood kaliya ay ka harsan tahay ka bixitaanka ATMIS ee dalka Soomaaliya oo ah bisha December 2024, loona baahan yahay in heshiis wadareed laga gaaro doorka uu hawlgalka ATMIS- qaadan doono marka uu bilaabayo dhimista ciidamada.

Danjire Souef ayaa sidoo kale ka codsaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya muddo 31 sano ah, si ay awood ugu yeeshaan ciidamada amaanka Soomaaliya inay la wareegaan Saldhigyada ay banneeynayaan ATMIS, isla markaana ay gacanta ugudhigaan dhulka laga saaray Al-Shabaab.

Kalfadhiga waxaa sidoo kale ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Ms Catriona Laing iyo Agaasimaha guud ee hayada Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay(WFP), Cindy McCain.

You may also like